Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynihii Hore Ee Nigeria Oo Booqasho Ku Yimid Somaliland

focus

Madaxweynihii Hore Ee Nigeria Oo Booqasho Ku Yimid Somaliland

(SLT-Hargeysa)-Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland waxa lagu soo dhaweeyay Olusegun Obasanjo oo Dalka Nigeria Madaxweyne ka soo ahaa 1999 illaa 2007-dii.

Olusegun Obasanjo ayaa Madaarka diyaaradaha ee Hargeysa waxa ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Md. Cabdiraxmaan-Saylici iyo Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada.

Siyaasigan oo caan ka ah Qaaradda Afrika isla-markaana lagu Xasuusto inuu Talada Dalka Nigeria oo uu muddo dheer gacanta ku hayey u wareejiyey si dimuqraadi ah, ayaa la sheegay inuu Somaliland ku yimid Casuumad uu ka helay Xukuumadda Somaliland.


Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Madaxweynihii Hore Ee Dalka Neyjeeriya, Mr Olusegun Obasanjo Oo Booqasho Ku Yimid Somaliland.


Siyaasigan ayaa noqonaya kii labaad ee muddo laba bilood gudahood ah Somaliland ku yimaadda booqasho, waxaana sidan oo kale booqasho ugu yimid Wasiirka Arrimaha dibedda Eriteria

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top