Connect with us

somalilandtoday.com

Qoyska Haweeneydii Uu Askari Soomaali-Mareykan Hore U Dilay Oo La Siinayo Mag-dhow Lacageed.

focus

Qoyska Haweeneydii Uu Askari Soomaali-Mareykan Hore U Dilay Oo La Siinayo Mag-dhow Lacageed.

(SLT- Minneapolis)-Maamulka magaalada Minneapolis ayaa la sheegay inay qoyskaasi siin doonaan lacag magdhow ah oo dhan 20-million oo Dollar, waxayna tallabadani oo baxday 3 maalmood kadib, markii askari Soomaali Maraykan lagu magacaabo Maxamed Nuur ay Maxkamadi ku heshay Talaadadii la soo dhaafay dilka haweeneydaasi oo la oran jirey Justine Damond.

Bixinta magdhowgaasi ayaa lala gaaray qoyska Haweeneydii la dilay oo iyadu haysatay dhalashadda Maraykanka iyo tan dalka Australia.

Waxaa la rumeysan yahay inuu Maxamed Nuur yahay Askarigii ugu horreeyey ee ka tirsan Boliska Gobalka Minnesta ee lagu helo fal dil, xilli uu gudanayey waajibaadkiisa shaqo.

Toogashadda haweeneydaasi ayaa la sheegay inuu dhacay bishii July 15-dii ee sannadkii 2017-kii, xilli ay iyada u yeeratay Boliska si ay ugu soo gurmadaan cabsi la soo gudboonaatay.

Hore qoyskeeda waxay u codsadeen lacag magdhow oo dhan 50 million oo Dollar oo ah xadgudubkii iyada lagu dilay, balse waxaa haatan la isku raacay in Qoyskaasi la siiyo lacag dhna 20-million oo Dollar.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top