Qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Madaxweyne Farmaajo ayaa ka socota Garowe, waxaana shalay illaa saaka gaadhay magaalada wafdi horu dhac u ah Madaxweynaha oo isugu jira Saraakiil ciidan, howlwadeeno iyo Ilaalo.
Waxaa maalmihii u dambeeyay soo baxayay warar sheegaya in Madaxda dowladda Federaalka ay cadaadis kala kulmayeen Beesha Caalamka, taasoo ah sidii shirka Garowe ay uga qeyb geli lahaayeen.
Shirkan ayaa ka duwanaan doona shirarkii hore ee ahaa Golaha Amniga Qaranka, waxaana uu yahay shirkan mid wadatashi ah oo uu ku baaqay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdillaahi Deni.
Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa muddo sanad ah wax shir ah yeelan, tan iyo shirkii Baydhabo ka dhacay bishii June ee sanadkii hore, waxaa taagnaa khilaaf u dhaxeeyay labada dhinac, kaasoo hakiyay wada shaqeyntii ka dhaxeysay.