Connect with us

somalilandtoday.com

Ciidammada Booliska Oo Hawlgal Ku Soo Qabtay 8 Ka Mid Ah Budhcada Loo Haysto Dilkii Saraakiisha

focus

Ciidammada Booliska Oo Hawlgal Ku Soo Qabtay 8 Ka Mid Ah Budhcada Loo Haysto Dilkii Saraakiisha

(SLT-Hargeysa)-Ciidamada Booliska Somaliland ayaa gacanta ku dhigay qaar ka mid ah budhcada loo haysto inay dileen taliyihii xabsiga degmada Gar-adag Gaashaanle Cabdilaahi Axmed Tallan, iyo taliye xigeenkii ciidanka Booliska Gar-adag Laba Xidigle Nuur Aw Cali Nuux oo Alle haw naxariisti toddobaadkii hore ay jidgooyo ku dileen.

Ma jiro wax war ah oo ay ciidamada Boolisku ka soo saareen hawlgal ay maalmihii u dambeeyay ku baadi-goobayeen kooxdaas oo ay ka wadeen buurta caanka ah ee Buurdhaab ee gobalka Saraar, laakiin warar xogogaala ayaa wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay inay hawlgalkaas ku qabteen 8 eedaysane oo ka mid ahaa shuftadaas iyo qoryahoodii, waxaanay ku daba jiraan hadhaaga kooxdaas oo la sheegay inay ku dhuumaalaysanayaan buurtaas loo yaqaano Buur-dhaab.

Waxa kale oo ay Boolisku qabteen 4 ka mid ah baabuurtii ay kooxdaasi wadatay, waxaana weli aanay gacanta ku dhigin gaadhi iska rogo ah oo la sheegay in kooxdani wadatay.

Warku wuxuu sheegay la filayo in ciidanka hawlgalka ku jiraa la filayo inay maanta soo gunaanadaan hawlgalkaas oo ay soo qabtaan inta ka hadhay kooxda ee weli fakadka ku jira.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top