Connect with us

somalilandtoday.com

Buug Caalamiya Oo Laga Qoray Ciidamadda AMISOM Ee Soomaliya Ku Sugan.

focus

Buug Caalamiya Oo Laga Qoray Ciidamadda AMISOM Ee Soomaliya Ku Sugan.

(SLT-London)Buug uu qorey aqoonyahan ka howlgala jaamacad ku taalla Britain oo uu soo xigtay wargeyska The Nation, ee Kenya, ayaa ka sheekeynayo guulaha iyo guul-darrooyinka ciidammada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Buuggan waxaa lagu magacaabaa “Dagaalka nabadeynta Soomaaliya: Taariikhda Amison 2007-2017”, waxaana qoray Prof Paul D. Williams, oo ka howlgala Jaamacadda Oxford.

Qoraaga waxaa uu qaatay fikirka ah in xasiloonida Soomaaliya “ay ku xiran tahay Soomaalida oo keliya”.

Waxaa uu qoraagaa sheegay in loo baahan yahay in ciidammada nabad-ilaalinta Afrikaanka ee AMISOM iyo dowldda federaalka Soomaaliya ay u dhaqmaan qaab suuragelinaya in lagu kalsoonaado.

Prof Williams ayaa buuggiisa ku soo xigtay ra’yi ururin ay sameysay shirkadda Ipsos sanadkii 2016-ka, taas oo aan la daabicin xilligaasi. Waxay ra’yi ururintaas sheegtay in inta badan dadka Soomaalida ay ciidammada AMISOM ee Kenya iyo Itoobiya u arkaan inay xoog ku haystaan dhulkooda.

Boqolkiiba 10 oo keliya dadkii la wareystay ayaa aaminsan in ciidammada Kenya ay Soomaaliya u tageen inay Soomaalida u daneeyaan.

Boqolkiiba 9 oo keliya ayaa u arka ciidammada Itoobiya inay halkaasi u tageen inay Soomaaliya xasiliyaan. Balse aragtida laga qabo ciidammada Djibouti ayaa taas ka duwan, oo boqoliiba 52 waxay u arkaan inay niyad sami ku tageen Somaaliya.

“Somaalida intooda badan waxay aaminsan yihiin in siyaasadda Kenya iyo Itoobiya ay ku saleysan tahay in dalka Soomaaliya uu ahaado dal daciif ah oo dadkiisa ay kala qeybsan yihiin,” ayuu yiri Prof William.

“Argegixisada ayaa ka run badan”

Qoraaga ayaa sheegay in AMISOM ay isku dayday inay hubiso kalsoonida lagu qabi karo oo waxay sameysay waax qaabilsan saxaafadda, balse taa waxaa minjaxaabiyay waddamada ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya, sida kuwa Kenya oo soo saaro warsaxaafadeedyo been ah, iyagoo qariyo siday wax u dhacaan.

Waxaa uu qoraaga soo xigtay weriye u dhashay Britain oo lagu magacaabo Tristan McConnel kaa oo shaagay “in dhaqanka Kenya ee ah inay been ku sheegto warsaxaafadeedyda ay soo saarto ay ka dhigan tahay in aan gaarnay heer laga xumaado oo ah in argegixisada loo arko inay ay ka run badan yihiin dowladda”

Prof Williams ayaa farta ku fiiqay in warbixinnadii ay kenya ka soo saartay weerradii Ceel Cadde, 2016-ka, iyo Kulbiyo ee 2017-ka ay ahaayeen kuwa aan is waafaqi karin.

Qoraaga ayaa sheegay in “si kasta oo ay AMISOM militeri ahaan guulo u gaaraan, xasiloonida Soomaaliya waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed ee laga gaaro dowladnimada heer qaran, mid gobol iyo mid magaalo”.

“Madaxda siyaasadda ee Soomaaliya waxay ku fashilmeen inay dib u heshiiyaan, oo ay ku midoobaan hal ajenda oo ay Al-Shabaab uga adkaan karaan,” ayuu Prof Williams ku soo gaba-gabeeyay buuggiisa.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top