Connect with us

somalilandtoday.com

Wiil Qaxooti Ah Oo Aanu La Socon Waalidkii Oo Ku Dhintay Xabsi Ku Yaalla Mareykanka

focus

Wiil Qaxooti Ah Oo Aanu La Socon Waalidkii Oo Ku Dhintay Xabsi Ku Yaalla Mareykanka

(SLT-Hargeysa)-Wiil 16-jir ah oo aanay cidina la socon kana soo jeeda wadanka Guatemala ayaa xanuun dartii ugu dhintay mid ka mid ah xabsiyada ay dowlada Mareykanka ku ooday dadka soo Galootiga.

Saraakiil ka tirsan dowlada ayaa arbacadii shalay sheegay in wiil loo badalay 20 kii bishan April xafiiska dib u dejinta qaxootiga ee gobolka Taxes.

Afhayeenka xafiiska xanaanada caruurta aan waalidka laheyn Evelyn Stauffer ayaa sheegtay in waqtigaas wiilka aysan ka muuqan xumad iyo xanuun haya intaba.

Balse subixii ku xigay ayaa waxuu dareemay Qando iyo madax xanuun loo dhigay isbitaal ku yaal aagaasi oo lagu dabiibay ka hor inta aanu geeriyoon maalintii Xigtay.

Si kastaba ha ahaatee dowlada Mateykanka ayaa sheegtay in ay dib u baadhis ku sameyso sababta dhalisay geerida wiilkaan Qaxootiga.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top