Connect with us

somalilandtoday.com

Qeylo-Dhaan Laga Muujiyey Muwaadin Soomaali Oo Dhowr Sanno Ku Xidhan Mareykanka

focus

Qeylo-Dhaan Laga Muujiyey Muwaadin Soomaali Oo Dhowr Sanno Ku Xidhan Mareykanka

(SLT-Washington)-Magangelyo-doon Soomaali ah oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Cali oo sabab la’aan u xidhnaa muddo 2 sanno ayaa la filayaa in la sii daayo.

Iyagoo wakiil ka ah Maxamed Axmed Cali ayaa waxay Ururka Xorriyadda Maddaniga Maraykanka ee ACLU ee ka shaqeeya inay dhibanayaasha ka difaacaan Maxkamadaha ayaa la sheegay inay fureen dacwad ka dhan Madaxda Waaxyaha Caddaaladda, Ammaanka Gudaha, Socdaalka iyo Xoojinta Canshuuraha ee dalkaasi iyo kuwo kale.

Dacwadda ayaa lagu sheegay in Muwaadinka Soomaaliga uu iska xiran yahay, iyaado oaan marnaba la dhegeysanin Kiiska loo haysto.

Hay’adda dacwadda u gudbisay ayaa sheegtay inuu Maxamed Axmed Cali iskiisa isaga soo dhiibay magaalladda San Diego sannadkii 2016-kii, isla markaana la xiray, loona gudbiyey xarumo dadka lagu hayo oo ku yaalla 6 Gobal.

Maxamed Axmed Cali waxa u uka mid ahaa 92 qof oo Soomaali ah oo dacwad ka gudbiyey Dowladda Maraykanka, kadib, markii lagu jeebadeeyey Kuraasta Diyaarad muddo 2 maalmood ah sannadkii 2017-kii, xilli loo masaafurin lahaa Somalia.

Dacwadaasi ayaana u muuqata mid ay Dowladda Maraykanka laashay, iyadoo Hay’addaha Federalka laga sugayo faahfaahin kiiskaasi iyo xadhiga Maxamed Axmed Cali

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top