(SLT-Qaza)-Israa’iil ayaa maanta sheegtay in diyaaradaheeda dagaalka ay xalay weerareen dhisme millatari oo kooxda Xamas ay ku leedahay Marinka Gaza kadib markii buufinno sida bambooyin gacmo ku sameys ah looga soo weeraray.
Kadib weerarkaas, ayaa ciidammada Israa’iil waxay sheegeen in laba gantaal looga soo tuuray Marinka Gaza, kuwaas oo qal-qal ka abuuray koonfurta Israel.
Illaa hadda lama yaqaan halka ay gantaaladaas ku dhaceen iyo inay khasaare sababeen.
Ilo-wareedyo amni ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in duqeymaha Israel ay ku dhaceen dhisme garabka hubeysan ee kooxda Xamas ku leeyihiin ay waqooyiga Gaza.