Connect with us

somalilandtoday.com

Faah-faahin: Taliyihii Xabsiga Iyo Ku-xigeenkii Booliska Gar-adag Oo La Dilay

focus

Faah-faahin: Taliyihii Xabsiga Iyo Ku-xigeenkii Booliska Gar-adag Oo La Dilay

(SLT-Hargeysa)-Laba Sarkaal oo ka kala tirsan ciidamada Asluubta iyo ciidanka booliska ayaa dabley hubaysani jidgooyo u galeen deegaanka Yagoori ee gobolka Sanaag, halkaasi oo ay ku dileen.

Labadda sarkaal ayaa kala ahaaa Gashaanle Cabdilaahi Axmed Tallan, Taliyihii Xabsiga degmada Gar-adag ee Ciidanka Asluubta iyo Laba Xidigle Nuur Aw Cali Nuux, Taliye ku xigeenkii Saldhiga Booliska ee Degmada Gar-adag.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa tacsi u direy qoyskii iyo ciidankii ay ka baxeen labadaasi sarkaal, isla markaana amar ku siiyey in sharciga la hor keeno dadkii“Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Ciidamada kala duwan ee qaranka, gaar ahaan Asluubta iyo Booliska, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuumiinta kala ah:-

  1. Gashaanle Cabdilaahi Axmed Tallan, Taliyihii Xabsiga degmada Gar-adag ee Ciidanka Asluubta.
  2. Laba Xidigle Nuur Aw Cali Nuux, Taliye ku xigeenkii Saldhiga Booliska ee Degmada Gar-adag.

Saraakiishaas oo ay shalay galab dablay hubaysani ku dileen weerar jidgooyo ah Deegaanka Gobabka Maxan ee Degmada Yagoori, madaxweynuhu waxa uu laamaha amniga ku amrayaa inay gacanta ku soo dhigaan gacan ku dhiiglayaashii gaystay fal denbiyeedkaasi. Waxaanu madaxweynuhu digniin adag u dirayaa cid kasta oo isku dayda falalka noocaas ah in gacan bira lagu qaban doono.”ayaa lagu yidhi qoraal uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxweynaha Maxamuud Warsame Jaamac

Madaxweynuhu wuxuu uu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo ciidamada qaranka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeenna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Jidgooyadan ayaa ka dambaysay ka dib markii nin ganacsade ah oo ku xidhnaa xabsiga degmadda Gar-adag oo ku dhex geeriyooday saldhiga, waxaanay sarkaalkii jeelka haystay ka baqday in loogu aaro, taas ayaa keentay inuu deegaankii uu xabsigeeda haystay ka yimaado, haseyeeshee dablay ka kacsan geerida marxuumkaasi hore ee Ganacsadaha jidka u galeen, halkaasi oo ay ku khaarajiyeen labadii sarkaal.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top