Connect with us

somalilandtoday.com

Sheekada Heesta “Saadaasha Guur” ee Khadra Daahir qaaday .

Articles

Sheekada Heesta “Saadaasha Guur” ee Khadra Daahir qaaday .

Sida dhaqanka Soomaalida ku jirta waxa jira xilliyo uu Beelaha qaar uu dhexdooda kala guursigu ka caaganyahay sababo ay ka mid ahaan karto 

xurgufo ka dhashay Guur hore ama dagaal soo dhexmaray awgeed , 

Balse dookhu qofna lama tashado’e wiil iyo gabadh isku reer hoose ahaa isla jeerkaasna ay reebanayd isguursigoodu marka leego xeerarka u yaalla reerkooda ayaa isjeclaaday , sida la wariyo taariikhdu waxay ahayd bilawgii Kun Sagaal boqol iyo sideetamaadkii , ninku wuxuu ka tirsanaa askartii ilaalada ka ahayd madaxtooyada Soomaaliya ee xilligaasi .

Wiilka iyo gabadhaba waxa dambi weyn labadoodaba ku ah in la maqlo warkooda , wayna is rabaan , waxay u baahdeen qof la fahmi kara duruufta ku hareeraysan jacaylkooda garabna siiya , taladoodu waxay noqotay inay arrintooda la wadaagaan nin kale oo isna ay isku reeryihiin ,wayna u sheegeen xaalooda iyaga oo xalna ka raba .

Muddo kooban ka dib ninkii talada laga sugayey wuxuu gabadhii ku soo celiyey war ah in isaga laftiisu uu iyada (gabadha) ka helay , sidaas darteedna ay laba arrimood kala dooran karto , midi waa in isaga ay ogolaato sidaasina uu ku guursado iyada oo ninka qorshaha ay wada wadaana meesha ka saaraysa , Talabaadna waa in haddii kale uu warkooda faafinayo oo iyadu ah dambi laga galay xeerarkii u yaallay reerkooda .

Gabadhii arrintii way ku gacan saydhay , isna(Ninkii) sidii uu iyadaba u sheegay wuxuu warkii dhexgeeyey tolkii , ka dibna taasi waxay caqabad soo waajahday ay ku noqotay labadii isjeclaa , ninkii waxa uu ka tagay shaqadii sidoo kale waxa cambaareeyey qoyskii uu ka soo jeeday , marna sida la sheegay waxaaba xidhay niman ay ehel ahaayeen oo warka maqlay iyaga oo waddooyin kale u maraaya .

Wiilkii markii uu ka soo baxay xabsiga inkasta oo aanan sixi Karin inta uu xidhnaa oo gabadhii iyaduna ay xabsi guri ugu jirtay qoyskeeda ayaa waxa suurogashay in iyaga oo taageero bannaanka ah ka helaaya dad uu warkoodu gaadhay oo jeclaystay inay garabsiiyaan waxa Xamar loogu dhigay Aroos kooban oo ay soo abaabuleen dad hiil u ahaa labadan is jantay, dabcan cadaadisna waxa ehelada lagu saaray inay isku daraan.

Sheekadu waqtigaasi intayka gudubtay ehelada labadan lamaane ayey gaadhay bulshada kale qaybo ka mid ah qaarkood waxay cabir ka sameeyeen dareenkooda arrintan ku aadan waxaana ka mid ahaa dadkii ka hadlay sheekadan saddexda ruux ee kala ahaa, Abwaan Maxamuud Tukaale Cusmaan, Mullaxan iyo heesaa Saalax Qaasim Naaji iyo hoboladda Khadra Daahir Cige oo iyada ilaa mar horeba ay macno gaar ah u lahaayeen sheekooyinka nooca ahi .

Maxamuud Tukaale ayaa sheekadan wuxuu ka allifay erayada heesta “Saadaasha Guur ” isaga oo Qisada saddex qaybood u kala dhigay ta koowaaad , wuxuu kaga hadlayaa inay layaab aan jawaab loo heli Karin ay noqon karto in qofku muddo dheer ka dib uun is arko isaga oo dareen jacayl u qaba qof uu ku ag koray kaasi oo aanu xisaabtaba hore ugu darsanin inuu qofkan sumad gaar ah u yeelan doono ugu dambayn.Taasi oo ka dhigayn in labadan ruux ee isjelcaaday ay waqti caruurnimo soo wadaqaateen balse uu dareenku ku dhashay mar dambe.

Waxaanu yidhi oo heesta ku jirta isaga oo dareenka gabadha cabiraya “Layaabku siduu ku dhacay
Maka’aan sabi kula barbaaray 
Sokeeye mid iigu xiga 
Ayuu suurado kalgacal 
Si aan loo qaadan Karin 
Jacayl Sibiq noogu yimi” ?

Marxladda labaad ee ay sheekadu martay oo ahayd in ninkii ergada iyo talada loo dhiibtay oo ehelnimada ka sakow ay ninka si gaar ah saaxiibbo u ahaayeen inuu isagu gabadhii damcay oo iyaduna lama filaan noqotay iyo weliba dhibtii soo gaadhay ka dib ayuu gabadha u dareen hadlay abwaanTukaale :
“Kalgacal samo weheshigii 
Waxa soo kala dhexgalay 
Mid kaloo kii aan rabay iila siman
Saa’ waaba Dumaashigay 
Silsilado laygu xidhay 
Sunbaan cabayoo ka kacay
Saqdii dhexe guurayoo
Fakadayeey”

Ugu dambayn waxay heestu sheegaysaa in guul uu arrinku ku biyo shubtay waana marka uu leeyahay abwaanku: 
” Dadow Samir baan ku degay
Say iyo raalliyo isqaba
Say iyo raalliyo isqaba ayuu nagu simay Ilaah”.
Heestan waxa laxameeyey Saalax Qaasim isaga ayaana hadda tumaaya kabanka , Khadra Daahir ayaana qaaday .

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top