Connect with us

somalilandtoday.com

War Deg-deg Ah: Laba Taliye Ciidan Oo Goor Dhawayd Lagu Dilay Deeganka Gar-adag Ee Gobalka Sanaag

focus

War Deg-deg Ah: Laba Taliye Ciidan Oo Goor Dhawayd Lagu Dilay Deeganka Gar-adag Ee Gobalka Sanaag

(SLT-Gar-adag)-Warar hadda naga soo gaadhaya deeganka Gar-adag ee gobalka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in la dilay taliyihii Xabsiga Gar-adag iyo Taliye ku xigeenkii Rugta Booliska degmada Gar-adag.

Labada taliye ee la dilay ayaa la sheegay in magaalada Gar-adag kaga baxeen qaab dhuumasho ah kadib markii magaladaasi ay ka bilaabmatay mudaharaad-yo lagaga soo hor jeeda muwaadin magaaladaasi u dhashay oo shalay ku dhex dhintey xabsiga magaalada Ceerigaabo

Wararka ayaa sheegaya in labadan taliye ay dileen meelishiyaad beeleed ka soo jeeda reerka uu ka soo jeedo marxuumka shalay dhintey kuwaas oo u galay deeganka Bancade oo u dhaxeeya Gar-adag iyo Magaalada OOG

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top