Connect with us

somalilandtoday.com

Dad Loo Soo Xidhay Nin Somali Oo Dhowr Sanno Ka Hor Lagu Dilay Dalka Canada

focus

Dad Loo Soo Xidhay Nin Somali Oo Dhowr Sanno Ka Hor Lagu Dilay Dalka Canada

(SLT-Hargeysa)-Boliska magaalada Toronto ee dalka Canada waxay sheegeen inay 2 Eedeysane u soo xidheen dilkii Marxuum Faysal Maxamed Hees oo 33-jir ahaa, kaasi oo bishii December 19-dii ee sannadkii 2016-kii lagu dilay Deegaanka Etobicke ee duleedka Toronto.

Eedeysane lagu magacaabo Caadil Zeno oo deggan maagalada Toronto ayey Booliska soo xidheen jimcihii la soo dhaafay, waxaana lagu soo oogay Fal-dembiyeedka dilka ee Heerka 1-aad.

Booliska waxay kal oo sheegeen inay isa soo dhiibtay haweeney lagu magacaabo Monika Ibrahim oo 24-jir ah, loona yaqaano Rose Carter, kadib markii ay Boliska u jareen Warqadda Soo-qabashadeeda maalintii Sabtida ee la soo dhaafay.

Haweeneydaasi oo isa soo dhiibtay maalintii Axadda ee shalay waxay wajihi doontaa dacwadda dilka heerka 1-aad.

Labo Eedeysane oo lagu kala magacaabo Maxamuud Ducaale oo 27-jir ah iyo Axmed Cabdi Siyaad oo 26 jir ayaa Xabsiga ku jiray tan iyo sannadkii 2016-kii.

Dilka Marxuum Faysal Maxamed Hees ayaa la sheegay inuu yahay qofkii 68-aad ee lagu dilo dalka Kanada sannadkii 2016-kii.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top