Connect with us

somalilandtoday.com

focus

(SLT-Spain)-Xisbiga Raysal wasaare Pedro Sanchez ee (PSOE) oo ah “Socialist” ayaa ku guuleystay doorashadii guud ee Axadii shalay ka dhacday dalkaasi Spain, hase yeeshee xisbi xaakimka ayaan helin aqlabiyada kuraasta Baarlamaanka oo uu hada kusoo biiray xisbiga VOX oo ah xagjirka garabka midig.

Xisbiga (PSOE) ayaa helay 123 kuraasta Baarlamaanka oo guud ahaan ka kooban 350 kursi.

Xisbi Xaakimka ayaa ku khasbanaan doona inay isbaheysi siyaasadeed la sameystaan xisbiyada kale si ay xukuumada usoo dhisaan maadaama aysan heysan Aqlabiyada Baarlamaanka, Raysalwasaaraha ayaa u baahan 176 kursi ee Baarlamaanka si uu xukuumada usoo dhiso.

Balse natiijadan ayaa guul u ah Raysalwasaaraha xilka hayey muddo sanad ah, Pedro Sanchez ayaa sheegay in guusha ay gaareen ay fariin u tahay xisbiyada xagjika ah ee cunsuriyiinta garabka midig oo uu sheegay inaysan ku guuleysan doonin inay la wareegaan awooda dalka Spain iyo waliba Midowga Yurub.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top