(SLT-Hargeysa)-Warbaahinta dalka Kenya ayaa si weyn u qaada dhigtay xafiis dawladda Kenya ka furanayso Somaliland. Wargeysyada Kenya ayaa tilmaamay in tallaabada Kenya ku doonayso in ay Danjire Philip Mundia Githiora ugu magacowdo Somaliland tahay mid ishaaraysa in Kenya kor u qaadayso xidhiidhka Somaliland.
Wargeyska Daily Nation ee dalka Kenya ka soo baxa ayaa tilmaamay in Kenya
ku wehelinayso Hargeysa Xafiisyada Itoobiya iyo Jabuuti ku leeyihiin. Waxa uu
sheegay in hirgelinta xafiiskan iyo magacaabista masuulkani ku timid kulamo
wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma la yeelatay wakiilka Somaliland ee
Nairobi Baashe Cawil Cumar iyo wasiir Sacad Cali Shire. Waxa uu sheegay in ay
hadda bixisay amarka lagu dhisayo xafiiska Kenya ee Hargeysa.
Wakiilka Somaliland ee Nairobi Amb Baashe ayaa wargeyska u sheegay in
Somaliland iyo Kenya leeyihiin xidhiidh ilaa xilligii Gumaystaha “Xidhiidh
dheer oo taariikhi ah ayaanu lahayn Kenya ilaa xilligii gumaystaha. Tallaabada
Kenya u qaaday in ay Hargeysa Safaarad kaga furato waa mid si weyn kor ugu
qaadaysa dhaqaalahayaga, horumarkayaga iyo Macaamilaadka bulshada,” Sidaas ayuu
yidhi Amb Baashe Cawil.
“Dadka tirada badan ee reer Kenya ee ku nool Somaliland waxay caddayn u
tahay soo dhawayntayada wanaagsan,” ayuu yidhi Danjiraha oo intaasi raaciyay in
xidhiidh ganacsi oo dhexmara Kenya iyo Somaliland kor u qaadayo heerka nolosha
iyo dhaqalaha.
Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya waxa kale oo uu dawladda Kenya ku
boorriyay in ay shirkadda Kenya Airways duullimaadyo toos ah ka bilawdo
Hargeysa iyo Nairobi taas oo sahlaysa isu socodka labada dal korna u qaadaysa
in fursadaha labada dhinac laga wada faa’iidaysto.
Somaliland ayaa hore Nairobi ugu qabatay shir ku saabsan fursadaha ganacsi
ee Somaliland oo ay ugu baaqday in ganacsatada Kenya ka faa’iidaysato waxaana
hore u jirtay danayn badan oo ka imanaysay gobolka qaadka Mirooga qaniga ku ah
oo si weyn u danaynayay in uu suuq ka helo Somaliland.