Geesta kalena, Isku-duwaha Wasaaradda Horumarinta Biyaha ee Gobolka Buuhoodle, Axmed Cabdilaahi Sh. Cumar oo aanu la xidhiidhnay ayaa Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA) u xaqiijiyey in Wasaaradda horumarinta Biyuhu ay ku hawlan tahay sidii loo dayactiri lahaa Ceel biyoodyada Gobolka Buuhoodle isla markaana aanay waxba kala hadhaynin sidii wax looga qaban lahaa biyo la’aanta ka jirta gobolka Buuhoodle.
Axmed Cabdilaahi Sh. Cumar Iskuduwaha Wasaaradda Horumarinta Biyaha gobolka Buuhoodle,wuxuu xusay in 19 tuullo oo ku yaalla galbeedka Buuhoodle ay u baahan yihiin biyo dhaamis, waxaanu Hay’adaha ka shaqeeya Biyaha ku boorriyey inay ka qeybqaataan gurmadka biyo dhaamiska ee looga baahan yahay Gobolka Buuhoodle.
Iskuduwuhu wuxuu uga mahadceliyey kormeer Wasiirka Biyuhu dhawaan ku tagay qaybo ka mid ah gobolka Buuhoodle, oo uu indhihiisa ku soo arkay baahida dhinaca biyaha ee ka jirta deegaannadaas.