Connect with us

somalilandtoday.com

Dhibaatada Qaadashada Carruurta Soomaalida Yurub Oo Korodhay

focus

Dhibaatada Qaadashada Carruurta Soomaalida Yurub Oo Korodhay

(SLT-Dhibaatada qaadashada carruurta Soomaalida Yurub ayaa ah mid sii kordhaysa,wayna ku adag tahay waalidka Soomaalida in ay aqbalaan marka ay timaado in caruurtooda la qaato,

Marka aad dhexmarayso caasimadaha waawayn ee wadamada Yurub, waxaad arkaysaa carruur Soomaaliyeed oo ay wataan waalid cusub oo cadaan ah.

Yurub Xuseen Cismaan Ereg waa hooyo Soomaaliyeed oo ku nool wadanka Norway,waxaa laga qaatay saddex ciyaal ah wiil iyo labba gabdhood sannadkii 2015, Yurub waxay bilowday olole ay ku doonayso in ay ku soo ceshato caruurteedii,waxay qabataa shirar ay kaga hadlayso dhibka haysta Hooyooyinka Soomaalida ee laga qaatay caruurta oo inta badan qarsada dhibaatadooda sababo la xariira bulshada Soomaalida oo faquuqda ama wax aka sheegta,dumarkaas intooda badan ayaa marka danbe noqda kuwo la jiran xannuunka dhimirka.

”Waxay ahayd waqtigii iigu xanuunka badnaa noloshayda, markii wiil iyo gabar aan dhalay laga qaatay Iskuulkii aan u diray,halka gabar yar oo aan haystayna guriga loogu yimid oo laqaatay,kaligay ayaa Maxkamada taga,waxay I gaarsiiiyeen in ay xabsi igaliyaan oo sharciga iga qaataan si ay iigu celiyaan Soomaaliya, bulshadeenu mawada xuma laakiin waxay caayayaan hooyo dhiban oo aan cunto cunin mudo oo ciyaalkii laga qaatay,taas ayaa keenaysa in ay hooyo walba qarsato ilmaha laga qaatay oo ay dadka u sheegto in ay safar jiraan” sidaas BBC-da waxaa u sheegtay Yurub Ereg.

Dhibka soo gaara dumarka Soomaaliyeed ee dhibkan la kulmo ee xitaa waxay gaaraan in ay naftooda halis galiyaan halka qaar badan ay ku jiraan cisbitaalada dhimirka ee wadamada Yurub.

”Dhimaatooyin ay ka mid yihiin trauma ayaa ku dhaca hooyada marka laga qaato caruurta,hooyadu way ka duwan tahay Aabaha waayo Uur sagaal bilood ah ayay qaaday way u nugushahay xanuunada dhimirka,xitaa sida ka dhacday Oslo hooyadu waxay khatar u tahay in ay nafteeda disho” sidaa waxaa BBC-da u sheegay Dr Cabdi Siciid oo ah dhaqtar caafimaadka xanuunada dhimirka ka hawl gala cisbitaal ku yaala Oslo.

Wadamada qaar waxaa jira haween waqtigooda siiya dumarka si ay u baraan xalka dhibaatooyinka ka soo wajaha nolosha adag ee ay ku nool yihiin wadamada galbeedka, Naadiya xassan waa gabar u dhaqdhaqaaqda sidii dumarka loo bari lahaa nolosha galbeedka iyo jawiga cusub

”Waxaan arkaa inta badan hooyadii kaligeed ayay shirarkii imaanaysaa ilmaha iyada ayaa iskuul gaysnaysa,xafiisyada kaligood ayay tagayaan,waxaan go’aansaday in aan ka caawiyo sidii aan ugu gudbin lahaa aqoonta la xariirta nolosha,waxa ay xaqa u leedahay,sida ugu fudud ee ay isku maarayn karto,shirar ayaan u qabtaa aqoonta inta aan leeyahay waan u gudbiya”

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top