Jilaagan ayaa hadda sugaya in lasii daayo filim uu dhawaan dhameystiray oo lagu magacaabo Blank, kaasoo uu ku matalay sarkaal madax u ah ciidanka la dagaallanka argagixisada.
Dhammaan 13-ka kursi ee baarlamaanka gobolka Punjab ayey doorashadooda dhici doontaa 19-ka bisha May ee soo socota, waana wajiga ugu dambeeya ee doorashada dalka Hindiya.
Natiijada waxaa lagu dhawaaqi doonaa 23-ka isla bisha May, xilligaas oo la ogaan doono in Sunny Doel uu kursigaas ku guuleystay iyo inkale.
Jilaaga caanka ah ee lagu magacaabo Govinda ayaa horay ugu biiray baarlamaanka Hindiya, inkastoo markii dambe uu ka baxay siyaasadda, isagoo u sababeeyay inay tahay meel lagu caajiso oo aan dhaqaale fiicanna laga helin.
Govinda ayaa la sheegaa in uusan ka qeyb gali jirin kulamada baarlamaanka, wuxuuna sida lagu dhaliilo aqalka kasoo muuqday dhowr jeer oo kaliya.