(SLT-Hargeysa)-Guddiga Doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa Maanta Xafiiskooda Kulan Albaabadu U Xidhnayeen Kula qaatay xisbiyadda KULMIYE iyo UCID kuwaas oo ay kala hadleen sidii loo dardar galin lahaa sidii doorashadu u qabsoomi lahayd.
Kulankan ayaa lagu soo hadal qaaday go’aankii ay shalay wadda gadheen xisbiyadda UCID iyo KULMIYE sida ay labadaasi xisbi oo kaliya doorasho ku gali karaan madaama oo xisbigii WADDANI isagu taagan yahay go’aan adag oo ah in la kala diro gudida doorashooyinka ee wakhtigan.
Xisbiyadda UCID iyo KULMIYE ayaa loo balamay in kulan dambe ay iskugu yimadaan gudida doorashooyinka waxaana uu kulankani ku soo dhammaaday mid aan rajo fiican laga qaban sida ay doorasho dalka uga qabsoomi karto madaama oo loo baahan yahay saddexda xisbi doorashadda wada galaan.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa wax aan suurto-gal ahayn ku tilmaamay heshiis ay Shalay Hargeysa ku kala saxeexdeen Xisbiyada UCID iyo KULMIYE, kaasi oo uu ka maqnaa WADDANI.
Guddoomiye Cirro oo Maanta Hargeysa lagu soo dhaweeyay, ka dib Safar uu ugu maqnaa Dalka dibeddiisa, ayaa isagoo ka hadlaya heshiiska ay wada gaadheen UCID iyo KULMIYE ee ah in Komiishanka xilka hayaa sii shaqeeyo illaa muddo xileedkoodu ka dhamaanayo, Komiishanka cusub ee la sii dhisi doonana laba xubnood lagu kordhiyo ka dib doorashada, ayaa yidhi “Shalay, Xukuumadda Somaliland iyo Labada Xisbi ee KULMIYE iyo UCID waxay soo saareen waxay ku sheegeen Go’aan (Heshiis), Go’aan muu ahayn kaasi, waxaynu ku macnayn karnaa oo keliya inuu ahaa shahaadadii dhimashada ee Hanaankii Dimuqraadiyadda iyo Doorashoooyinka ee Somaliland, ilaahayna ha inooga sahlo. Waxaanu u sheegaynaa in tallaabada ay qaadeen aanay ahayn mid u danaynaysa hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland iyo in doorashooyin dalka ka qabsoomaan, maaha tallaabo u danaynaysa midnimada Shacabka iyo Wada-jirkooda, hase-yeeshee waa Tallaabo dil-dilaac ku keeni karta Bulshada Somaliland, waxa kale oo aanu u sheegaynaa in tallaabada ay qaadeen aanay Somaliland sinaba uga suurto-gal ahayn in laba Xisbi yidhaahdaan annaga ayaa Somaliland sidaanu doono ka yeelayna intay gaar u tashadaan..”
Guddoomiyaha WADDANI wuxuu farriin u diray Beesha Caalamka “Beesha Caalamka waxaanu u sheegaynaa in Go’aankaa magacay doonaan ha u bixiyaane inaanu deedafayney oo aanaan ogolayn..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Xisbiga WADDANI wuxuu beesha Caalamka iyo Shacabkaba ugu sheegayaa inuu diyaar u yahay doorashooyin, siduu horeba diyaarka ugu ahaa, kuwaasi oo wakhtigoodii ku qabsooma. Waxaanu leenahay Xukuumadda iyo labada xisbi, taladi waad la ambateen, annaguna Miiskii wada-hadallada ayaanu diyaar u nahay sidii aanu awalba ugu ahayn..”
Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa u muuqda kuwo si cad ula saftay xisbiyadda UCID iyo KULMIYE.