Connect with us

somalilandtoday.com

Ciidammada Booliska Somaliland Oo Dhaawac Culus Gaadhsiiyay Tafaftiraha Telefishanka Bulsho Wariye Khadar Macalin Deeq

focus

Ciidammada Booliska Somaliland Oo Dhaawac Culus Gaadhsiiyay Tafaftiraha Telefishanka Bulsho Wariye Khadar Macalin Deeq

(SLT-Hargeysa)-Xaalada Caafimaad ee Wariye maalintii Axadda Ciidanka Booliska Somaliland Dhaawac u geysteen ayaa ka soo raynaysa, inkasta oo ay Saraakiisha Caafimaadku natiijooyin is-khilaafsan ka soo saareen heerka dhaawaca uu ka qabo Qaarka dambe ee Miskaha.

Wariye Khadar Macalin Deeq oo ah Tafaftiraha Telefishanka Bulshotv iyo soo saareyaasha Wargeyska Madaxbanaan ee Saxansaxo, ayaa maalintii saddexaad yaalla Cisbitaalka gaarka loo leeyahay ee Gargaar, kaddib markii uu dhaawac u geystay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland, gaar ahaan laanta Nabad-gelyada Waddooyinka oo Wariyaha iyo Suxufiyiin kale oo howlo shaqo u socda gacan ka hadal ugu geystay Magaalada Hargeysa.

Wariyaha ayaa dhaawac culusi ka soo gaadhay qaarka dambe oo ah Miskaha iyo Lugaha, waxaanay ugu Dhakhaatiirtu sheegeen in aanay Lafuhu jabin, balse uu jug culus qabo.

Suxufigan ayaa dhaawacmay, kaddib markii Ciidan kuwa Nabad-gelyada Waddooyinka ah oo uu hogaaminayo Sarkaal magaciisa lagu sheegay Cabdi Madoobe, ay jidh-dil iyo xadhig isugu dareen Koox Wariyeyaal ah oo uu la socday Suxufiga dhaawacmay, kaddib markii ay is-maandhaafeen mid kamida Askarta iyo Wariye Sawir qaade ah oo ka tirsan Bulshotv.

Ismaan-dhaafka Askariga iyo Suxufiga ayaa ka dhashay Gaadiid wada hareereheeda yaallay oo ay Askartu Taayirrada ka banjarisay barxada Baabuurta la dhigo ee Hudheelka Imperial oo ay inta badan Wariyeyaashu ku kulmaan xilliyada Shaqada War doonka “waxaan ku idhi Gaadhi ha banjarin ee Qofkii lahaa maad raadisay, kaddibna wuxuu iigu jawaabay Cay iyo Aflagaado, markaan ku idhi ha I caayina gacanta ayuu I saaray”sidaas waxa Gobanimonews u sheegay Suxufi Xasan Barre oo ay isaga laftiisa Askartu Jidh-dil u geysatay.

“Inkasta oo aan nabar muuqdaa igu oolin, haddana si xun ayey ii garaaceen oo juggo badan ayey ii geysteen” ayuu raaciyey Xasan oo ay Askartu ku goobatay ka hor intaanay Wariyaha kale ee Dhaawacin.

Suxufiga la dhaawacay, ayaa la sheegay in uu isku dayey in uu dejiyo xaalada dhex martay Askarta iyo Sawir qaadaha la garaacay, kaddibna Sarkaalka Ciidanka hogaaminayey oo magaciisa lagu sheegay Cabdimadoobe ayaa si xoog ah ugu tuuray meel ay Dhagaxaan yaallaan oo ka dambeysay, taasoo sababtay in uu si barraad la’ Dhulka ugu dhaco “ Anigoo gaadhiga ka soo degay ayuu si xoog ah ii tuuray, kaddibna waxaan ku dhacay Dhagaxaan iga dambeysay, oo aan si xun uga kala dhacay” ayuu yidhi Khadar Macalin oo uu Wariye ka tirsan Gobanimonews ku booqday Cisbitaalka Gargaar oo goor dambe oo Axaddii ah la dhigay.

Laba kamida Ciidanka Waxyeellada u geystay Wariyeyaasha ayaa xabsiga loo taxaabay goor dambe oo Axaddii ah.

Muuqaal ka soo muuqday Qalabka Warbaahinta, ayaa muujiyey Askarta oo si arxan-darro ah u garaacaya Mid kamida Suxufiyiinta iyo Wariyaha la dhaawacay oo uu Askari kale kala tuurayo, waxaana ku buuqsanaa Dadweyne tiro badan oo isku dayey inay kala dhex galaan, balse sida ka muuqata Video-ga oo lagu duubay Telefoon Askarta oo Dirayska u gaarka ah ku lebisan, ayaa Xoog ku muquuniyey dadka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top