Connect with us

somalilandtoday.com

“Waxaanu Diyaarinaynaa Mooshin Ka Dhan Raysal Wasaare Kheyre…” Qaar Kamid Ah Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Dalka Soomaaliya

focus

“Waxaanu Diyaarinaynaa Mooshin Ka Dhan Raysal Wasaare Kheyre…” Qaar Kamid Ah Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Dalka Soomaaliya

(SLT-Muqdisho)-Qaar kamid ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay inay diyaarinayaan mooshin ka dhan ah raysal wasaaraha Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa sheegay in mooshinkaasi uu yahay mid loogu yeedhayo raysal wasaaraha dalka Soomaaliya inuu ku hor yimaado baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana wax laga weydiin doono waxyaabaha u qabsoomay muddada uu xilka hayo.

Xildhibaan Cabdi Fitaax Ismaaciil Daahir oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa tilmaamay in qorshahaasi ay wadaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka, waxaana uu sheegay inay doonayaan in raysal wasaaraha Su’aalo badan ka weydiin doonaan xaaladda dalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in weli ayna dhicin in raysal Wasaare laba Sanno Shaqeynayey ee aan Baarlamaanka hor-imaan, isla markaana raysal Wasaare kheyre uu hore u balan qaaday in uu hortagayo balse ayna dhicin taasina uu juhdi badan ku bixiyey.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay inaan la aqbali karin in raysal wasaaraha uu kasoo bixi waayo balamihii uu hore kaga dhawaaqay xarunta golaha shacabka, kaasi oo ahaa in bil walbaa uu hor imaan doono baarlamaanka.

Xildhibaan Cabdi Fitaax Ismaaciil Daahir ayaa waxa uu ka mid yahay Xildhibaannada aad u dhaliilsan Siyaasada xukuumadda Soomaaliya, waxaan uu ka mid ahaa Xildhibaanadii iyo Siyaasiyiintii ku shiray Magalada Nairobi.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top