Connect with us

somalilandtoday.com

Puntland Oo Xukun Ku Riday Mas’uul Ka Tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda Oo Lagu Soo Eedeeyay Musuqmaasuq.

focus

Puntland Oo Xukun Ku Riday Mas’uul Ka Tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda Oo Lagu Soo Eedeeyay Musuqmaasuq.

(SLT-Garoowe)-Cawaale maxamuud Sheekh oo ah Sarkaal ka tirsan wasaaaradda maaliyadda maamulka Puntland ayaa Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari waxay xukuntay Xabsi iyo ganaax lacageed ka dib markii lagu soo eedeeyay Musuqmaasuq.

Guddoomiyaha maxkamada Abuukar Cabdinuur Jaamac oo ku dhawaaqay go’aanka ayaa sheegay in lagu soo eedeeyay Cawaalo musuqmaasuq iyo adeegsiga waraaqo been abuur ah, waxaana uu ku xukumay 4 sanno oo xadhig ah, Shan boqol oo dollar oo ganaax ah iyo inuu bixiyo lacag dhan $ 2751 (labo kun toddobo boqol konton iyo kow doollar) oo la sheegay inuu lunsaday.

Cawaale oo 26 jir ah ayaa ciidamada booliisku waxay ka soo qabteen degmada Carmo ee gobolka Bari, waxaa uu ka shaqaynayay qaybta dakhliga ee degmada.

Wasiirka Maaliyadda Xasan shire Abgaal oo toddobaadyadii u dambeeyay ku sugnaa Magaalada Bosaso ayaa sheegay inay hayaan labo nin oo ku eedaysan musuqmaasuq, kuwasoo uu sheegay inay Maxkamad soo taagi doonaan.

Ma aha markii u horraysay ee Maxkamadi ku xunto xadhig iyo ganaax lacageed sarkaal ka tirsan maamul gobolleedka Puntland, iyadoo hore saraakiil hore xabsi balse markii dambe la sii daayay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top