Connect with us

somalilandtoday.com

Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Iyo Madaxweynaha Ruushka Oo Kulmaya

focus

Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Iyo Madaxweynaha Ruushka Oo Kulmaya

(SLT-Vladivostok)- Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong Un ayaa maalmaha soo socda booqasho ku tagi doona dalka Ruushka, halkaasoo uu kula kulmi doono Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin.

Warbaahinta Waqooyiga Kuuriya ayaa xaqiijisay maanta in labada Hoggaamiye ay ka wada-hadli doonaan arrimo badan, iyadoo markii u horreysay ay noqoneyso kulanka Kim iyo Putin.

Kulankan ayaa ka dhici doona dhammaadka bishan April magaalada Vladivostok oo u dhow xuduuda Ruushka iyo Waqooyiga Kuuriya.

Wada-hadalada labada hoggaamiye ayaa ku soo aaday xilli xasaasi ah, iyadoo wada hadaladii bishii February dhex-maray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Kim Jong Un uu ku dhamaaday natiijo la’aan.

Midowgii Soviet iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa ahaa xulufo, waxayna lahaayeen iskaashi dhaqaale iyo kaalmo uu Midowgii Soviet siin jiray Waqooyiga Kuuriya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top