Connect with us

somalilandtoday.com

Dowladda Ingiriiska Oo Laga Codsaday Inay Mustaafuriso Diplomaasi U Dhashay Dalka Qatar

focus

Dowladda Ingiriiska Oo Laga Codsaday Inay Mustaafuriso Diplomaasi U Dhashay Dalka Qatar

(SLT-London)-Maxamuud Axmed oo 79 jir ah ayaa ugu baaqay Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo Arrimaha Barwaaq-sooranka ee dalka UK, Jeremy Hunt in Isbedel lagu sameeyo Sharciga, si Diplomaasiyiinta tacadiyada u geysta Shaqaalaha loo masaafurin lahaa.

Maxamuud Axmed oo xilligan Hawlgab ah ayaa waxa uu Tacad iyo Cunsuriyad kala kulmay U-qeybsanaha Caafimaadka ee Safaaradda Dwoaldda Qatar ku leedahay caasimadda dalka UK ee London.

Dhibanahaasi oo Sarkaal Ammaanka ka ahaa Safaaradda Qatar ayaa waxa uu tacadi kala kulmay U-qeybsanaha Arrimaha Caafimaadka ee Safaaradaasi oo lagu magacaabo C/llaahi Al-ansari, kaasi oo Muwaadinka Somali-Biritishka ugu yeeri jirey Erayo cunsuriyad xambaarsan, sida Addoonka Madow, Dameer iyo Eey, iyo inuu dhaawaacay Dhibanahaasi sannadkii 2013-kii.

Bishii hore Maxkamadda Shaqaalaha ee magaalladda London waxay heshay inuu Diplomaasiga u dhashay ku xad-gudbay Dhibanaha Hawlgabka ah ee Maxamuud Axmed iyo in dhibaatadii loo geystay laga bixiyo lacag magdhow ah oo dhan 8,000 oo Giniga Ingiriiska ee Pound.

Dhinaca kale, Xildhibaanka Deegaanka uu deggana yahay Dhibanaha u matala Barlamaanka dalkaasi, Greg Hands waxa uu ka codsaday Dowladda Britain inay garwaaqsadaan in Diplomaasiyiinta lagala laabto Xasaanadda Diplomaasiyadeed haddii ay ku xad-gudbaan shaqaalaha ka shaqeeya Safaaradaha.

Xildhibaankaasi waxa uu qoraal u qoray Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo Arrimaha Barwaaq-sooranka ee dalka UK, Jeremy Hunt inuu mar kale dib u eego Xukunkii Maxkmaadda sare iyo haddii Talalabo Sharci lagu ciqaabi doono Diplomaasiyiinta Safaaradaha ee Shaqaalahooda kula kaca Tacadiyaddaas oo kale.

Dhibane Hawlgab Maxamuud Axmed horey uma awoodin in Kiiskiisa la dhegeysto ilaa sannadkan 2019-ka, sababo la xiriira Safaaradda Qatar oo iyagu sheegtay Xasaanadda Diplomaasiyadeed ee lidka ku ah cabashadda uu ka gudbiyey Dhibanahaasi.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top