Connect with us

somalilandtoday.com

Shirkadda DP World Oo War Cusub Ka Soo Saartay Suuq Ay U Raadinayso Alaabooyinka Laga Soo Dejiyo Dekedda Berbera

focus

Shirkadda DP World Oo War Cusub Ka Soo Saartay Suuq Ay U Raadinayso Alaabooyinka Laga Soo Dejiyo Dekedda Berbera

(SLT-Hargeysa)-Shirkadda maamusha dekedda Berbera ee DP World ayaa sheegtay in ay si dhaw ula socoto furfurnaanta ganacsi iyo dhaqaale ee dalka Itoobiya oo hay’ado dawladdu maamulaysay laga dhigayo kuwo madax bannaan. Waxa kale oo ay shirkaddu sheegtay in ay gabogabo tahay daraasayn lagu waday xarun ay ku yeelan doonto magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya taas oo dalka Itoobiya iyo guud ahaan Bariga Afrika loogu qaybin doono alaabooyinka laga soo dejiyo dekedda Berbera.

Madaxa shirkadda DP World ee Bariga Dhexe iyo Afrika Mr Suhayl Al Banna ayaa sheegay in saddexda bilood ee soo socda la soo gabogabayn doono qorshaynta iyo sahaminta xarun xuddun u noqonaysa alaabooyinka laga soo dejinayo dekedda Berbera taas oo laga dhigi doono Diridhaba sidoo kalena waxay shirkaddu doonaysa in ay Jigjiga ku yeelato xarun kale maaddaama ay suuqa ugu weyn ee ay doonaysa yahay Bariga Itoobiya siiba dhulka Soomaalidu degto.

Suhail Al Banna Waxa uu wargeyska The Reporter ee ka soo baxa dalka Itoobiya u sheegay in daraasaddani qiimaynayso muhiimadda magaalada Diridhaba iyo agagaarkeedu u leedahay in ay noqoto xarun ganacsi. Waxa uu sheegay in ay sidoo kale halkaasi ku xidhayso dekedda Berbera oo la doonayso in ay noqoto xuddunta Geeska Afrika wax laga soo dejiyo lagana dhoofiyo. Waxa uu sheegay in la darsayo sida la isugu xidhayo xarumaha gudaha Itoobiya iyo dekedda Berbera oo Badda Cas ilaa Yurub iyo Bariga Fog isku xidhaysa. Waxa kale oo uu sheegay in la eegayo muhiimadda Jigjiga oo xarun u ah gobolka Soomaalida Itoobiya.

Suhail Al Banna waxa kale oo uu sheegay in wax badan laga qabtay dekedda Berbera intii ay maamulaysay shirkadda Dp World, kuwaas oo isugu jira qalabka dekedda iyo kor u qaadista aqoonta shaqaalaha.

Wargeyska Reporter waxa uu ku warramay in jidka isku xidhaya Berbera iyo Wajaale oo dhismihiisu bilawday ay qayb ahaan maalgalinayso dawladda Imaaraadka Carabtu halka haddii loo baahdo Itoobiya la waydiinayo in ay gacan ka gaysato.

Sida uu wargeysku ka soo xigtay wasiir Sacad Cali Shire suuqa bartilmaameedka ugu weyn u ah horumarinta dekedda Berbera waa arlada Soomaalidu degto ee Bariga Itoobiya taas oo u muuqata in ay sabab u tahay in DP World xarumo waaweyn oo kayd u ah alaabta ay Berbera ka soo dejiso la dhigo si ay halkaasi uga adeegtaan qaybaha Itoobiya iyo meelaha kale ee soo gaadhi kara.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top