Connect with us

somalilandtoday.com

Sheekh Soomaali Ah Oo Ku Dhaawacmay Qarax Oo Lagu Daaweynayo Cisbitaal Ku Yaalla Masar

focus

Sheekh Soomaali Ah Oo Ku Dhaawacmay Qarax Oo Lagu Daaweynayo Cisbitaal Ku Yaalla Masar

(SLT-Guddoomiyaha Ururka Majmaca Islaamka ee Culimadda Soomaaliya, Sheekh Yuusuf Cali Caynte ayaa la dhigay cisbitaalka Jamaacadda Al-azhar University Hospital ee Degmadda Nasar ee magaalada Qaahira, si looga daaweeyo dhaawacyo culus oo ka soo gaadhay qarax bishii la soo dhaafay ee March 28-dii ka dhacay magaaladdan Muqdisho.

Hormuudka Jamaacadda Al-zahar, Dr, Maxamed Al-maharazaawi ayaa ku booqday Cisbitaalka, si uu u hubiyo xaaladda caafimaadka Sheekh Yuusuf Cali Caynte iyo inuu arko Adeegyadda Daaweynta ee uu u baahan yahay.

Hadal ka soo baxay Xarunta Warbaahinta ee Al-zahar University ayaa lagu sheegay inay arrintaasi timid, kadib Jadwalka shaqo ee Iimaamka Weyn ee Al-azhar, Dr. Axmed Al-tayib, si loo daaweeyo Sheekh Caynte.

Xarunta Warbaahinta Alazhar waxay sheegtay in markii uu Sheekh Yuusuf Caynte soo gaadhay Qaahira sida ugu dhaqsaha badan loogu sameeyey Baadhitaanadda muhiimka ah iyo barnaamijka daaweynta muhiimka ah in loo fidiyo.

Cisbitaalka Jamaacadda Al-azhar ayaa loo aqoonsan yahay mid ka mid ah Cisbitaalaldda ugu waa weyn daalka Masar iyo guud ahaan dalalka Carabta.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top