Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Ku-xigeenka Oo Tacsi U Diray Guddoomiyaha Guurtida Somaliland.

focus

Madaxweyne Ku-xigeenka Oo Tacsi U Diray Guddoomiyaha Guurtida Somaliland.

(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku simaha madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo ay Xaaskiisi Anita Aadan shalay ku geeriyootay Dalka Ingiriiska. Ku simaha madaxweynuhu waxa uu gudoomiyaha Alle uga baryayaa inuu Samir iyo iimaan ka siiyo xaaskiisa.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top