Connect with us

somalilandtoday.com

Ciidammada Maraykanka Oo Duqeyn Ka Fuliyay Gudaha Dalka Soomaaliya

focus

Ciidammada Maraykanka Oo Duqeyn Ka Fuliyay Gudaha Dalka Soomaaliya

(SLT-Muqdisho)-Ciidammada Mareykanka ee jooga Soomaaliya ayaa sheegay inay duqeyn ka geysteen degmada Jamaame ee Gobolka Jubada hoose halkaasoo sidoo kale ay sheegeen in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida ay qabsadeen aagag cusub.

War ka soo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeynta oo dhacday shalay lagu dilay laba dagaalyahan oo ka mid ah Al-shabaab.

Waxaa kale oo lagu sheegay in howlgalkaas uu barbar socday mid dhulka ah oo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya u suurtageliyay inay Al-shabaab ka saaraan Jiinka wabiga Jubba.

Ciidammada isku dhafka ah ayaa dhulka ay ka baxeen Al-shabaab ee Wabiga Jiinkiisa ah waxaa ay ka sameysteen difaacyo cusub sida lagu sheegay qoraalka Mareykanka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top