Connect with us

somalilandtoday.com

Nin Si Khaldan Codkiisa U Siiyay Xisbiga Haya Tallada Hindiya Oo Farta Iska Gooyay

focus

Nin Si Khaldan Codkiisa U Siiyay Xisbiga Haya Tallada Hindiya Oo Farta Iska Gooyay

(SLT-Hindiya)-Codbixiye u dhashay dalka Hindiya ayaa iska gooyay fartiisa kadib markii uu si khaldan uu codkiisa u siiyay doorashada guud ee ka socota dalkaasi.

Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayaa Pawan Kumar waxaa uu sheegay in uu ku jahawareeray doorashada loo adeegsanayo qalabka casriga.

Waxaa uu tilmaamay in uu doonayay in codkiisa uu siiyo xisbiga mucaaradka balse uu si khaldan uu ugu codeeyay xisbiga raysal wasaare Narendra Modi.

Mr Kumar ayaa markii uu codkiisa ka dhiibtay gobolka Uttar Pradesh  khamiistii tagay gurigiisa isaga oo gacanta farta isaga jaray faash af badan oo hilibka lagu Jarjaro.

Doorashada Hindiya ayaa codbixiye yaasha haddii ay khaldaan ayna markale dib ugu laaban Karin waxaana codbixiyeyaasha laga doonayaa in uu si degan ula socdo ka hor inta uusan codkiisa Dhiiban.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top