Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaarihii Iyo Xukuumaddi Dalka Mali Oo Is Wada Casilay .

focus

Raysal Wasaarihii Iyo Xukuumaddi Dalka Mali Oo Is Wada Casilay .

(SLT-Mali) Waxaa ku dhawaaqay inay is casileen Ra’iisul Wasaarihii dalka Maali iyo dhamaan xubnihiisii Golaha Wasiirada, kadib markii dalkaasi Maali ay ku bateen falalka la xiriira amnidarrada taas oo ay walaac ka muujiyeen Shacabka dalkaas.

Bishii lasoo dhaafay, tiro xoolo dhaqata ah ayaa lagu laayay dalka Mali markii uu qarxay dagaallo u dhexeeyo qowmiyadaha qaar ee ku nool halkaasi.

Kulan ay yeesheen Arbacadii la soo dhaafay ee todobaadkaan Xildhibaannada Baarlamaanka dalka Maali ayaa waxaa ay Ra’iisul Wasaare Soumeylou Boubeye Maiga iyo Golihiisa Wasiirada ay ka gudbiyeen mooshin ku saabsan kalsooni kala noqoashada taas oo ugu dambeyn keentay inay is casilaan.

Xubnaha Baarlamaanka dalka Maali ayaa Ra’iisul Wasaaraha waxa ay ku eedeeyeen in uu ku guul dareystay wax ka qabashada xaalada amniga taasina ay dhibaato ku tahay Shacabka dalka Maali.

Dhinaca kale Madaxweynaha dalka Maali Abuu Bakar ayaa dhankiisa sheegay inuu warqadda iscasilaadda ka guddoomaay ra’iisul wasaaraha iyo dhammaan golahiisa wasiirada,isla markaana dhawaan lasoo magacaabi doono ra’iisul wasaare cusub marka wadatashiyo lala yeesho axsaabta siyaasadda ee dalkaasi.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top