Connect with us

somalilandtoday.com

Rouhani Oo Midnimo Ugu Baaqay Dalalka Bariga Dhexe, Weerar-na Ku Qaaday Israa’iil

focus

Rouhani Oo Midnimo Ugu Baaqay Dalalka Bariga Dhexe, Weerar-na Ku Qaaday Israa’iil

(SLT-Iran)-Madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani ayaa dalalka Bariga Dhexe ugu baaqay inay iska caabiyaan sahnuuniyadda, isaga oo weerar ku qaaday Israel.

Rouhani oo ka hadlayey munaasabadda maalinta ciidamada Iran ayuu sheegay in hubka lagu soo bandhigay uu yahay kaliya mid Iran ay isku difaaceyso.

“Dalalka gobolka waxay isku dhinac noolaayeen qarniyo, wax dhibaato ahna ma qaabin, haddii ay dhibaato jirto waxaa sababay kuwa kale” ayuu Rouhani ku yidhi khudbad laga sii daayey taleefishinka.

“aan is garab istaagno, aan isla jirno oo aan iska saarno joogitaanka kan gardarrada ka wada gobolka” ayuu yidhi.

Waxa uu sheegay in hubka iyo awoodda Iran aysan marnaba dhibaato ku ahayn dalalka gobolka.

“Awoodda ciidamada hubeysan ee Iran waa awoodda dalalka gobolka iyo dunida Islaamka” ayuu yidhi.

“Haddii maanta ay dhibaato ka jirto gobolka, waxaa xuddun u ah sahnuuniyadda ama kibirka Mareykanka” ayuu yidhi.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top