Connect with us

somalilandtoday.com

Rag La Dhashay Madaxweynihii Hore Ee Dalka Suudaan Oo Xabsiga La Dhigay

focus

Rag La Dhashay Madaxweynihii Hore Ee Dalka Suudaan Oo Xabsiga La Dhigay

(SLT-Khartoum)-Golaha Millatariga ee haya Talada dalkaasi waxay xidheen 2 nin oo la dhashay Madaxweynihii tallada laga qaaday ee Cumar Xasan Albashiir.

Afhayeenka Golahaasi, Shamsudiin Kabashi ayaa sheegay in la xidhay Cabdillaahi Xasan Albashiir iyo Cabaas Xasan Albashiir, iyadoo ay socdaan hawlgalo lagu soo qabanayo Hoggaamiyayaasha iyo dadka aadka ugu dhawaa Dowladii Albashiir.

Tallaabadan ayaa timid, iyadoo ilo-wareedyo sheegeen in Cumar Xasan Albashiir loo gudbiyey Xabsiga Kobar ee ku yaalla Waqooyiga magaalladda Khartuum.

Dhinaca kale, Ururka Mucaaradka ee Xirfadleyda Suudaan ee SPA ee abaabulay Dibadbaxyada ka dhaca dalkaasi waxay ku baaqeen in la dhigo Dibadbaxyo si Golaha Milliteriga loogu cadaadiyo inay Talada dalka ku wareejiyaan Dowlad Rayid ah.

Dowladaha Reer Galbeedka waxay taageereen Codsiga Dibadbaxyadda ee Dowlad Rayid ah, haalka Ururka Midowga Afrika ay muddo 15 maalmood u qabteen Golaha haya talada Suudaan inay xilka ku wareejiyaan Dowlad Rayid ah.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top