Connect with us

somalilandtoday.com

Nin Soomaali Ah Oo Hore Dil Uga Gaystay Dalka Britain Oo La Xukumay

focus

Nin Soomaali Ah Oo Hore Dil Uga Gaystay Dalka Britain Oo La Xukumay

(SLT-Birmingham)-Maxkamadda magaalada Brimingham ee dalkaasi waxaa la soo taagay Eedeysane lagu magacaabo Abul Khaya, kaasi oo loo haysto dilkii Marxuum la oran jirey Bile Siyaad.

Eedeysanaha oo 41 jir ah ayaa la sheegay inuu Tooreey la dhacay Marxumka bishii November 3-dii ee sannadkii hore, kadib markii uu dhex maray muran Lacageed oo dhamaa 50 Giniga Ingiriiska ee Pound

Marxumka ayaa la sheegay in Tooreey looga dhuftay Madaxa, isla markaana uu markii dambe uu u geeriyooday dhaawacii la gaarsiiyey.

Garsooraha Maxkamadda Birimingham Crown Court, Robert Price ayaa ku dhawaaqay in Eedeysanaha dilka geystay lagu xukumay Xabsi Daa’in, waxaana laga yaabaa in la sii daayo, kadib marka uu dhamaysto xabsi gaaraya 22 sanno iyo 6 bilood

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top