Connect with us

somalilandtoday.com

War Deg-deg: Madaxweyne Hore Oo Gacantiisa Isku Dilay

focus

War Deg-deg: Madaxweyne Hore Oo Gacantiisa Isku Dilay

(SLT-Peru)-Madaxweynihii hore ee dalka Peru Alan García ayaa geeriyooday ka dib markii uu istoogtay xilli ay booliksa tageen gurigiisa, si ay ugu soo xidhaan eedeymo musuqmaasuq ah oo loo jeediyay.

Mr García ayaa markii hore loola cararay cisbitaalka magaalada caasimadda ah ee Lima.

Dhimashadiisa waxaa xaqiijiyay madaxweynaha Peru ee hadda xilka haya, Martín Vizcarra.
Dadweyne taageerayaashiisa ah ayaa isugu tagay afaafka hore ee cisbitaalka la geeyay waxaana is hor taagay booliska oo is abaabulay.

Mr García ayaa lagu eedeeyay inuu lacago laaluush ah ka qaatay shirkad dhismaha ka shaqeysa oo laga leyahay dalka Brazil, inkastoo uu horay u beeniyay sheegashadaas.

Saraakiil ka tirsan booliska ayaa loogu diray inay soo xidhaan, si loogu sameeyo baadhitaanno la xidhiidha eedeymahaas.

Wasiirka arrimaha gudaha Carlos Morán ayaa warbaahinta u sheegay in markii ay booliska tageen gurigiisa, uu Mr García ka codsaday inuu telefoon dirsado, ka dibna uu galay qol, albaabkana uu soo xidhay.

Daqiiqado ka dib, waxaa la maqlay dhawaaq rasaas, ayuu yidhi Mr Morán.

Booliska ayaa xoog ku furay albaabka waxayna arkeen Mr García oo ku fadhiya kursi, madaxana ay uga taallo xabad.

Alan García ayaa horay laba jeer madaxweyne uga soo noqday dalka Peru.

Markii hore waxa uu xilka hayay intii u dhaxeysay sanadihii 1985-kii ilaa 1990-kii, isagoo mar kale dalkaas xukumayay intii u dhaxeysay 2006-dii ilaa 2011-kii.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top