Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda Uganda Oo Magan-gelyo Siinaysa Madaxweynihii Hore Ee Suudaan

focus

Dawladda Uganda Oo Magan-gelyo Siinaysa Madaxweynihii Hore Ee Suudaan

(SLT-Uganda)-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Uganda, Henry Okello Oryem ayaa sheegay inay ka baaraan-degayaan inay Madaxweynihii hore ee Suudaan, Cumar Xasan Albashiir inay siiyaan magangelyo.

Wasiirka oo Suxufiyiinta kula hadlay Xarunta Barlamaanka Uganda ee magaalada Kampala waxa uu tilmaamay inuu Al-bashiir door muhiim ah ku lahaa Heshiiskii Nabadda ee la kala dhex dhigay Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa ee dalka Koonfurta Suudaan.

“Haddii uu Albashiir naga soo codsado magangelyo uu ku joogo Uganda, taasi waa arrin uu garwaaqsan karo Madaxwyne Yoweeri Museveni” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Uganda.

Dhinaca kale Henry Okelllo Oryem waxa uu ku celceliyey inay dowladda Ugandha si dhow indhaha ugu hayaan Xaaladaha dalka Suudaan, isla markaana ay muhiim tahay in si nabad ah lagula kala wareego xilka, iyadoo la xushmeeynayo Rabitaanka Shacabka Suudaan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top