Connect with us

somalilandtoday.com

Shacabka Indonesia Oo Saaka Madaxweyne Soo Dooranaya

focus

Shacabka Indonesia Oo Saaka Madaxweyne Soo Dooranaya

(SLT-Indonesia)-Shacabka waddanka Indonesia ayaa saaka 7:00 subaxnimo xilliga dalkooda u dareeray goobasha codbixinta, si ay u soo doortaan madaxweynaha shanta sano ee soo socota.

Doorashadan oo lagu tilmaamay mid ka mid ah kuwa ugu ballaaran caalamka, ayaa waxaa si aada ugu loollamaya madaxweynaha talada haya Joko Widodo iyo general hore ugu soo shaqeeyay ciidamada Indonesia oo lagu magacaabo general Prabowo Subianto.

Ilaa 193 million oo ruux ayaa isu diiwaangeliyay in ay codkooda ka dhiibtaan doorashada Arbacada maanta ah, taasoo go’aan ka gaari doonta qofka hogaamin doono dalka Indonesia oo ay ku noolyihiin muslimiinta ugu badan caalamka.

Codbixinta ayaa soo xirmi doonta 1-da duhurnimo xilliga Indonesia, waxaana saacado gudahood lagu ogaan doona natiijooyinka hor-dhaca ah sida uu sheegay guddiga doorashada.

Natiijada kama danbeysta ah ayaa la shaacin doonaa bisha May ee soo socota.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top