Connect with us

somalilandtoday.com

Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

focus

Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

(SLT-Muqdisho)-Qarax gaadhi lagu xidhay, ayaa goor dhawayd waxaa uu ka dhacay nawaaxiga Daarta Xaaji Baasto ee wadada Maka Al-Mukarama.

Wararka ayaa sheegaya gaadhiga qarxay inuu hor yaalay Hotelka Mubaarak, waxaana qaraxa uu sababay dab Khasaare gaystay oo ka kacay gaadhiga kaasi oo saameeyay gaadiid kale.

Qiiq iyo Uuro ayaa isqabsatay goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana durbadiiba gaadhay Ciidamada Booliska oo halkaasi Baadhis ka wada.

Lama oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaan gaadhi ee ka dhacay nawaaxiga Daarta Xaaji Baasto, sidoo kalena lama oga qofka iska leh gaadhiga qaraxa lagu xidhay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top