Connect with us

somalilandtoday.com

Bari iyo Galbeedkaba Maayiraan ku Dacal dhigo Muraad Doorkan maan arag Gabay Lagu Amaanay Waxqabadka Maayir Muraad

News

Bari iyo Galbeedkaba Maayiraan ku Dacal dhigo Muraad Doorkan maan arag Gabay Lagu Amaanay Waxqabadka Maayir Muraad

Burco:(SL-T)Bari iyo Galbeedkaba Maayiraan ku Dacal dhigo Muraad Doorkan maan arag Gabay Lagu Amaanay Waxqabadka Maayir Muraad

Markuu Roobku noo do’o
Dooxiina soo dhaco
Ee Tuugtu Halistahay
Dumarkiyo Caruurtuna
Ka Daahaan Schoolada
Maayirkii Dareemee
Biriijyada utaagoow
Bari iyo Galbeedkaba
Maayiraan ku dacal dhigo
Muraad Doorkan maan arag

Dariiqyada magaalada
maayirkii Daryeelee
tacab badan galiyee
Daldalool Ka Dhoowroow

Bari iyo Galbeedkaba
Maayiraan ku dacal dhigo
Muraad Doorkan maan arag

Masuulkii la Doortee
Dun xariira yeeshee
laaluush ka Doodoow

Bari iyo Galbeedkaba
Maayiraan ku dacal dhigo
Muraad Doorkan maan arag

Gobolkii la Duudsiyo
Saamigiisa Doorkaa
Codkarkii udoodee
Dadku Wada amaanoow

Bari iyo Galbeedkaba
Maayiraan ku Dacal dhigo
Muraad Doorkan maan arag

By Mahad Soomane

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in News

To Top