Connect with us

somalilandtoday.com

Lacag Kumanaan Dollar Ah Oo Lagu Soo Dhex Qariyey Gaadhi Qaad U Siday Somaliland Oo La Qabtay+SAWIRRO

focus

Lacag Kumanaan Dollar Ah Oo Lagu Soo Dhex Qariyey Gaadhi Qaad U Siday Somaliland Oo La Qabtay+SAWIRRO

(SLT-Boorama)-Wararka aanu helay ayaa waxa sheegayaan in caasimada Dowlad deegaanka Soomaalida ee Jigjiga lagu qabtay lacag lagu soo qariyey gaadhi xamuul ah oo qaad u siday Somaliland.

Lacagtan ayaa waxa qabtay Mas’uuliyiin katirsan kastamka heer federaal, Sida ay wararku sheegayaan, lacagtan ayaa aheyd mid si sharci-darro ah lagu dhoofinayey.

Lacagtan ayaa isugu jirtay dollar-ka Mareykanka, Riyaalka Sacuudiga iyo Dirhamka Isu tagga Imaaraadka, iyada oo wadar ahaan dollar-ka la qabtay uu gaadhayey 182,247, halka Riyaalka Sacuudiga uu ahaa 235,375, Dirhamka Imaaraadkuna uu ahaa 110,920.

Wararka aan helayno ayaa sidoo kale sheegaya inay gacanta ku hayaan Waaxda kastamku wadihii gaadhiga iyo qof kale oo la socday.

Illaa iyo hadda weli war rasmi ah kama ay soo saarin maamulada dowlad degaanka Soomalida iyo xukuumadda Somaliland, lacagtan ay qabteen Waaxda kastamka federaalka itoobiya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top