Connect with us

somalilandtoday.com

Xuutiyiinta Yemen Oo Doonaya Inay Xidhiidh La Yeeshaan Mareykanka

focus

Xuutiyiinta Yemen Oo Doonaya Inay Xidhiidh La Yeeshaan Mareykanka

(SLT-Yemen)-Ka dib muddo Afar sano ka badan oo uu dagaal qadhaadh ka socday dalka Yemen, kaas oo galaaftay nolosha kumanaan qof, malaayiin kalena qarka u saaray macluul, ayaa haatan Jabhadda Xootiyiintu waxey sheegeen inay diyaar u yihiin inay xiriir la yeeshaan Mareykanka, sidaasina waxaa VOAda u sheegay sarkaal u qaabilsan xootiyiin Arrimaha Dibadda.

Colaadda Yemen ayaa soo bilaabatay 2015kii waxeyse sii xoogeysatay markii uu isu bedelay dagaal ay kala taageerayaan Sacuudiga iyo Iran.

Waxaa dalkaasi galay isbaheysi uu Sacuudigu taageerayo oo gacan siinaya dowladda caalamku aqoonsanyahay, si ey isaga celiso jabhadda Xuuthiyiinta ee gacan saarka la leh Tehran.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay VOAda, ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee xukumadda ismagacawday ee Xuutiyiinta, Hisham Sharaf Abdullah, waxa uu ku sheegay inay doonyanaan inay dhisaan xiriir ay la yeeshaan Mareykanka, iyadoo dhinacayda dalkaasi ku dagaalamaya ay raadinayaan xal ka soo baxay dadaalka ay Qaramada Midoobay Hormuudka ka tahay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top