Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka Qeb-galay Xuska Maalinta Dhiraynta Qaranka

focus

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka Qeb-galay Xuska Maalinta Dhiraynta Qaranka

(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilahai Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qeyb galay Xuska Maalinta Dhiraynta Somaliland oo hore Madaxweynaha Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ugu asteeyey 15 April maalinta dhiraynta qaranka.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa saaka tegay Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miiga halkaasi oo uu indho indhayn kusoo sameeyey Dhirta lagu beero Wasaaradda, islamarkaana ay Wasiirka Wasaaraddu uga warbixisay qaabka ay u beereen dhirta, iyadoo xustay in Gobolka Saaxil yahay Gobolka ugu beerista badan Somaliland, dhanka kalena waxa uu ka qeyb qaatay Daabulka dhir loo raraayey Degmooyinka Magaalada Hargeysa si loo gaadhsiiyo Xaafadaha oo loogu beero.

Sidoo kalena Madaxwweyne ku xigeenku oo ka qeyb galay Munaasibadan balaadhan oo loo asteeyey Xuska Maalinta Dhiraynta JSL oo halku dhigeedu ahaa “Dhankastoo laga eego dhirtu waa nolosheena ee aan dhwarno” Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Degaanka iyo Horumarinta Reer Miiga oo halkaasi ka hadlay ayaa aad ugu dheeraaday ahmiyada dhirtu u leedahay aadamaha, Wasiir Maxamed Kaahin oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay dhawaan soo saari doonaan sharci dadka ku waajibinaya inay guryahooda ku beeraan dhir si looga hortago xaalufka iyo bilic xumada, Wasiir Shukri Xaaji Baan-dare ayaa carabaabtay sida ay Deegaanka u ilaaliyaan ulana dagaalamaan cidkasta wax yeelaysa Deegaanka, waxaa ay u mahad celisay Ciidanka Booliska iyo Maxkamadaha oo ay sheegtay inay Sharciga ugu hiiliyaan.

Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdilahai Ismaaciil (Saylici) oo gebagabadii munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in Xuska maalintani qiimo weyn ugu fadhiyo qaranka, waxaana uu u mahad celiyey Wasaaradda Deegaanka iyo Wasiirkeeda oo ku tilmaamay inay tahay Wasiir Lexejeclo badan ka qabta qaranka islamarkaana ay mudan tahay in la gudoon siiyo Shahaado Sharaf, Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Bulshada kula dardaarmay in la ilaaliyo Deegaanka lagana qeyb qaato sidii horumarin lahaa si looga gaashaanto Abaaraha.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top