Kulankan ayaa waxaa lagaga wada hadlay dhismaha iyo ballaadhinta dekedda magaalada Boosaaso, dar-dargelinta hawlaha shaqo ee dekedda iyo ka midha-dhallinta heshiiska caalamiga ah ee bud-dhigga u ah mashruucani muhiim ka ah.
Shirkadda DP-World ayaa balanqaaday in ay dedejindoonto dhammaan hawla la xidhiidha dhismaha iyo ballaadhinta dekedda Boosaaso, isla’markaana ay ilaalinayaan hishiisyada iyo wax-walboo ku saabsan mashruucaas ballaadhan ee lagu horumarinaayo xidhiidhka Puntland iyo Imaaraadka.
Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) ayaa kulankan kadib la qaatay kulamo muhiima masuuliyiinta kale ee Shirkadda DP-World, kuwaasi oo salka kuhaya dar-dargelinta dhammaystirka mashruuca dhismaha iyo ballaadhinta dekedda magaalada Boosaaso.