Connect with us

somalilandtoday.com

Ilhaan Cumar Oo Sheegtay Inay Kordheen Hanjabaadaha Dilka Ee Iyada Ka Dhanka Ah

focus

Ilhaan Cumar Oo Sheegtay Inay Kordheen Hanjabaadaha Dilka Ee Iyada Ka Dhanka Ah

(SLT-Washington)-Xildhibaanad Ilhaan Cumar o oka tirsan Aqalka Kongareeska Maraykanka ayaa sheegtay inay kordheen Farriimaha iyada loogu hanjabayo in la dili doono, kadib markii uu Madaxweyne Trump dhawaan bartiisa Twitter-ka soo dhigay Qoraal iyo Muuqaal uu ku xidhiidhinayo inay iyada wax ka ogeyd Qaraxyadii Diyaaradihii ee ay Ururka Alqaacida bishii September 11-dii ee sannadkii 2001-dii la begsadeen Daarihii Mataanaha ee dalkaasi.

Hadal qoraal oo ay Seantor Ilhaan Cumar soo saartay waxay ku sheegtay tan iyo markii uu Trump bartiisa Twitterka soo dhigay qoraalka iyo Muuqaalka Video-ga inay kordheen cabsi-gelinta tooska ee nolosheeda, iyadoo inta badan hanjabadaasi ka jawaabayaan Muuqaalka Video-ga ee Donald Trump.

“Hadallada samayn kara colaadaha iyo dhamaan qaababka hadalladda Nacaybka wax boos ah kuma laha Bulshadeenna, waana wax aad uga yar waxa ka yimid Taliya Guud ee dalkeenna, dhamaanteenna waxaan nahay Maraykan” ayey Ilhaan Cumar ku qortay Qoraalkeeda.

Waxayna intaasi ku dartay in loo baahan yahay in la joojiyo dhamaan wax khatarta gelin kara Nolosha.

Qoraalka iyo Muuqaalka uu Donald Trump habeenkii Jimcaha ee la soo dhaafay uu soo dhigay Bartiisa Twitterka waxa sheegay inaysan marnaba wada illaabi doonin weerarkii September 11, wuxuuna Muuqaalkii Weerarkii Diyaaradaha loo adeegsaday ku xiriiriyey hadal ay Senator Ilhaan Cumar ka jeedisay Kulan dabayaaqadii bishii hore ee March magaalladda Los Angeles, oo ay ku sheegtay inay shasiyaad qaar geysteen Falkaasi, oo ay ugala jeeday weerarkii September 11-dii ee sannadkii 2001-kii.

Balse, Trump waxa uu Twitterkiisa soo raaciyey Muuqaalka Diyaaradihii duweeyey Daaraha Mataanaha iyo sawaxankii dadkii xilligaasi ku go’doonsanaa dhismayaashaasi ku yaalla magaalladda New York.

Xubno ka tirsan Ururka Alqaacida ayaa waxay bishii September 11-dii ee sannadkii 2001-dii afduubteen 2 Diyaraado Rakaab ah, la beegsadeen Dhismaha Daaraha Mataanaha ee Xaruntii Ganacsiga Adduunka ee magaalladda New York, iyadoo Diyaaraddii 3-aad ay ku duqeeyeen dhismaha Waaxda Difaaca Maraykanka, halka ay Diyaraadii 4-aad ku burburtay meel ku dhow magaalladda Shanksfil ee Gobalka Feneselfaniya.

Ururka Alqaacida ayaana dhabarka u ritay Duqeymahaasi oo dhacay muddo haatan laga joogo 18-sanno waxaa la sheegay inay ku geriyoodeen dad lagu qiyaasay 2,996 qof.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top