Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Biixi Oo Xilka Ka Qaaday Wasiir Ka Qayb-galay Xaflad Uu Prof. Axmed Ismaaciil Samatar Ku Qabtay Magaalada Hargeysa.

focus

Madaxweyne Biixi Oo Xilka Ka Qaaday Wasiir Ka Qayb-galay Xaflad Uu Prof. Axmed Ismaaciil Samatar Ku Qabtay Magaalada Hargeysa.

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa isku shaandhayn uu sameeyay maanta waxa uu xilka kaga qaaday wasiirkii Wasiirkii Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Cawaale Ibraahim Shirwac Looddoon.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Cawaale Ibraahim Shirwac Looddoon ayaa sababta xil ka qaadistiisa waxa loo aanaynayaa kulan ballaadhan oo uu dhawaan magaalada ku qabtay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ku qayb-galay, sida ay ilo xog-ogaal ahi u sheegeen Somalilandtoday.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in uu si weyn uga cadhooday kulankaasi iyada oo uu maanta bartilmaameed ka dhigtay wasiirkii kaliya ahaa ee ka tirsan xukuumaddiisa ee ka qayb-galay kulankaasi


Prof. Axmed Ismaaciil Samater ayaa kulan kaasi waxa uu ka dhaliilay hoggaaminta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi isaga oo soo bandhigay tallooyin uu siiyay wakhtiga ololaha oo uu cidla kaga tagay Muuse Biixi markii uu ku guulaystay tallada dalka ee loo doortay Madaxweynaha Somaliland.

Ibraahim Shirwac Looddoon Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa waxa la sheegaan in Prof. Axmed Ismaaciil Samatar uu door muhiim ah ku lahaa magacaabistiisa iyo in loo magacaabo wasaaradda uu wasiirka ka ahaa.

Si kastaba ha ahaate wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Cawaale Ibraahim Shirwac Looddoon ayaa waxa lagu tilmaamaa in uu ahaa mas’uuliyiinta aan inta si toos ka ah ugu dhex jirin arrimaha siyaasadda balse ku kooban wasaaraddiisa iyo shaqada uu qaranka u hayo.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top