Connect with us

somalilandtoday.com

Dad Badan Oo Ku Dhintay Dagaal Ka Socda Dalka Liibiya

focus

Dad Badan Oo Ku Dhintay Dagaal Ka Socda Dalka Liibiya

(SLT-Tripoli)-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalka ka socda nawaaxiga magaalada Tripoli ay ku dhinteen 121 qof halka ay ku dhaawacmeen 561 kale, tan iyo inti uu Tripoli weerarka ku qaaday janaraal Khalifa Haftar horraanti bishaan.

Bayaan maanta laga soo saaray xafiiska QM ugu qaabilsan caafimaadka ee loo soo gaabiyo WHO, ayaa lagu sheegay in hey’adda ay dawo iyo shaqaalo dheeraad ah ay u direyso Tripoli, hase yeeshee waxay cambaareeysay weeraro loo geystay shaqaalaheeda iyo gaadiida ay leedahay inti uu socday dagaal duleedka caasimadda ka dhacay afarti bishaan April.

Xafiiska arrimaha bani’aadannimada ee QM ayaa sheegay in dagaalka Tripoli ay ilaa iyo hadda ku barakacaeen dad gaaray 13 kun oo ruux, halka ku dhawaad 1000 ruux la dajiyay goobo caam ah.

Maleeshiyada jeneral Haftar oo inta badan gacanta ku haya bariga Libya, ayaa iska dhaga tiray baaqyo caalami ah oo ka dhalbaday inuusan weerarin dowladda ay beesha caalamka aqoonsantahay.

Xaaladda Libya ayaa cakirneyd tan iyo sannadki 2011-ki, xilligaas oo awooda xoog looga tuuray general Moamer Kadhafi, kaddibna la dilay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top