Connect with us

somalilandtoday.com

Saddex Askari Oo Ka Tirsan Booliska Dalka Sweden Oo Maxkamad Loo Soo Taagay Iyo Sababta

focus

Saddex Askari Oo Ka Tirsan Booliska Dalka Sweden Oo Maxkamad Loo Soo Taagay Iyo Sababta

(SLT-Sweden)-Saddex askari oo ka tirsan booliska dalka Sweden ayaa maxkamad loo soo taagay dilka wiil qaba xanuun la xidhiidha hiddesidaha oo afka qalaad lagu yirahdo Down syndrome iyo sidoo kale cudurka autism-ka.

Cudurkani Down syndrome-ka ayaa ah cudur carruurta uu ku dhaco ay muuqaal ahaan ka duwan yihiin carruurta kale sida in cannugu uu yeesho waji ballaaran, carrab bannaanka u soo baxsan iyo waxyaabo la mid ah halka cudurka Autism-ka uu yahay mid ku dhaca maskaxda oo carruurta uu haleelo waxaa ku adkaanaya in ay bulshada dhex galaan iyo in inta badan uu hadalka dhib ku yahay oo aanan la af-fahmeyn.

Askartani dilkani loo haysta ayaa bishii Agoosto 2018 waxay rasaas ku fureen Eric Torell, oo 20 sano jir ah, iyaga oo ka jawaabaya waxa ay ku tilmaameen “xaalad halis ah”.

Hooyadii ayaa sheegtay in wiilkeeda uu sitay qori macmal ah oo u ekaa sida “qoryaha darandooriga u dhaca”.

Laba askari oo boolis ah ayaa lagu soo eedeeyay dhaqan xumo halka mid saddexaadna lagu soo eedeeyay in uu dilka wiilkaasi isaga ka dambeeyay.

Torell ayaa la sheegay inuu ka maqnaa gurigooda oo ku yaallay magaalada caasimadda ahi ee Stockholm, saacado ka hor inta booliisku aanay helin warar sheegayay in la arkay nin qori sita.

Katarina Söderberg oo ah hooyada dhashay wiilkani ay boolisku toogteen ayaa sheegtay in qoriga macmalka ah ee uu sitay uu ahaa mid haddiyad ahaan loogu keenay.

Saddexda askari ayaa Torelli ku arkay xaafad ku taal degmada Vasastan, waxa ayna ku amreen in uu dhulka dhigo waxa uu sitay oo ay rumeysnaayeen in uu ahaa hub halis ah. Ka dib waa ay toogteen markii uu u hoggaansami waayay amarkooga.

“Waxaan go’aansaday in boolisku lagu soo oogay dacwadda la xidhiidha toogashadaasi aanay raacin tallaabooyinkii ay ahayd inay qaadaan, oo haddii ay sidaasi sameyn lahaayeen, waxay ogaan lahaayeen in Eric oo ah dhibanaha uusan ahayn nin halis ah,” ayuu yiri dacwad ooge Martin Tiden.

Wuxuu sheegay in askartani ay xaq u lahaayeen in ay rasaas ridaan balse ay hayd in ay joojiyaan markii uu wiilkaasi dhabarka u jeediyay oo uu ka sii jeestay.

Torell ayaa loo qaaday cisbitaal kadibna waxaa la xaqiijiyey inuu dhintay.

“Tani lama oggolaan karayo in ay mar kale dhacdo,” ayuu yidhi dacwad ooge Tiden.

Eric hooyadii Söderberg ayaa sheegtay in loo ballan qaaday in caddaalad ay heli doonto. “Waanu ogaan doonaa wax kasta oo dhacay, arrintana sidaa loogama hari doono,” ayay tidhi.

Waxay wiilkeeda ku tilmaantay “ninka ugu naxariista badan adduunka”, waxa ayna tiri: “Waa ay adag tahay in la fahmo. Xitaa dakhsi waligii wax ma uusan yeelin.”

Taliyaha Booliska dalka Sweden Anders Thornberg ayaa codsaday in dowladdu ay dib u eegto sharciyada ku saabsan isticmaalka hubka kadib markii ay korarti tirada dadka toogashada lagu dilay.

Dalkan Sweden oo ay ku nool yihiin dad gaaraya toban ayaa 20-kii sano ee la soo dhaafay waxaa sanadkiiba toogasho lagu dilayay hal qof. Sanadkii 2018 waxaa toogasho lagu dilay lix qof.

Dalka Britain oo ay ku nool yihiin dad gaadhaya lix lab dadka ku nool dalka Sweden ayaa sanaddadii 2017-2018 waxaa toogasho lagu dilay afar qof, halka booliska dalka Mareykanka ay sanadkii 2018 toogasho ku dileen 992 oo qof.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top