Connect with us

somalilandtoday.com

Muhaajiriinta Ku Xidhan Gudaha Mareynkanka Oo Loo Wareejinayo Magaalooyinka Mucaaradka Ee Dalkaasi

focus

Muhaajiriinta Ku Xidhan Gudaha Mareynkanka Oo Loo Wareejinayo Magaalooyinka Mucaaradka Ee Dalkaasi

(SLT-Washington)-Madaxweyne Donald Trump ayaa qiray in uu qorsheynayo in muhaajiriinta xidhan uu ku fasaxayo magaalooyinka ay Dimuqraadiyiintu ku badan yihiin, arrintaas oo ah siyaasad uu xisbigaasi uga aargoosanayo.

President Donald Trump talks with reporters before boarding Marine One on the South Lawn of the White House, Friday, March 22, 2019, in Washington. (AP Photo/Evan Vucci)

Madaxweynahan oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa waxuu bartiisa Twitterka soo dhigay in dadka sida weyn uga soo horjeeda ay aad ugu farxi doonaan fikradda ah “xudduudda furan iyo siyaasadda furan ee hubka”.

Madaxweyne Trump ayaa shalay oo Jimca ahayd bartiisa tweeter-ka soo dhigay qoraal uu ku sheegayo in sababo la xidhiidha xisbiga Dimuquraadiga oo diiday in wax laga badallo sharciyadda halista ah ee dhanka socdaalka ay yaguna sidii horeyba loo sii shaaciyay ka baadhaan degayaan in dhammaan muhaajiriinta ay geeyaan magaalooyinka ay ka arrimiyaan xisbiga Dimoqaradiga.

Hadalkasi Trump ayaa dhabar jab ku ah aqalka cad ee mareykanka loogha arrimiyo oo dhawaan warbixin qoraal ah oo uu soo saaray ku beeniyay jiritaanka qorshahaasi.

Hadalkani ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xilli warbaahinta Mareykanka ay sheegayeen in waaxda amniga gudaha ee dalka ay dooneyso in dhammaan muhaajiriinta xabsiyada ku jira lagu sii daayo gudaha magaalooyinka sharci ahaan dowladda federaalka u diiday in ay ka dhaqan geliso sharciyadeeda dhanka socdaalka.

Wargeyska The Washington post ayaa qoray in aqalka cad ee Mareykanka uu codsaday bilihii Nofembar iyo Febraayo ee la soo dhaafay in ay suurtagal tahay in muhaajiriinta ku xiran guud ahaan Mareykanka in loo wareejin karayo dhanka magaalooyinka ay ka midka yihiin New York, Los Angeles, San Francisco iyo Chicago.

Waaxda socdaalka iyo canshuuraha ee dalkaasi Mareykanka ayaa lagu soo waramayaa in ay arrintaasi ku gacan seyrtay, waxa ayna sheegtay in aan loo heli karin dhaqaalihii iyo awooddii arrintaasi lagu fulin lahaa.

Sida ku cad farriimo email ah oo lagu daabacay wargeyska the Washigton post , waaxdani ay walaac ka muujisay qaabta shacabka Mareykanka ay u arkayaan tallaabadaasi.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top