Connect with us

somalilandtoday.com

Dood Ka Taaggan In Danjireyaasha Caalamiga Ah Loo Adeegsado Safiirka Somaliland Iyo Soomaaliya.

focus

Dood Ka Taaggan In Danjireyaasha Caalamiga Ah Loo Adeegsado Safiirka Somaliland Iyo Soomaaliya.

(SLT-Hargeysa)-Danjireyaasha caalamiga ah sida kuwa Qaramada Midoobay, Midawga Yurub, Midawga Afrika iyo Safiirrada dalalka u qaabilsan Soomaaliya ayaa sida oo kale la shaqeeya Somaliland.

Wakiillada beesha caalamku u igmato Soomaaliya marka ay yimaaddaan Somaliland waxa loo tebiya xilkooda Safiirka Somaliland iyo Soomaaliya taas oo dood dhalisay maaddaama sida saxda ah ay qaabilsan yihiin Soomaaliya kaliya laakiin, maaddaama aanay Somaliland aqoonsi haysan iyaguna ay la shaqeeyaan ay sidaasi Somaliland uga dhigto xilkooda.

Danjiraha Somaliland ee Kenya Amb Baashe Cawil Cumar ayaa arrintan si kooban uga hadlay isaga oo soo xiganaya safiirkii hore ee Ingiriiska Amb David Concar oo isla dooddan la waydiiyay intii uu Muqdisho joogay “Doodaha socda ee ah in safiirrada caalamiga ah meteli karaan labada dal tusaale ahaan Somaliland iyo Somalia waxa hore uga jawaabay safiirkii hore ee Ingiriiska Amb David Concar,” Sidaas ayuu yidhi Amb Baashe oo intaasi raaciyay in madax bannaanida iyo muhiimadda Somaliland ee dunida ay ku leedahay ay muujinayaan iskaashiga dhanka dhaqaalaha, horumarka, siyaasadda iyo diblamaasiyadda ay la leedahay dalalka iyo beesha caalamka.

Amb David Concar oo bishii April ee sanadkii 2018 la waydiiyay su’aashan wuxuu sheegay in ay sax tahay in uu wada metelo Somaliland iyo Soomaaliya rasmi ahaana la aqoonsan yahay Soomaaliya oo xaruntiisu Muqdisho tahay laakiin, uu shaqooyin muhiim ah ka qabto Somaliland.

Mujaahid Cali Guray oo ka tirsan xisbi xaakimka KULMIYE ayaa isaguna dhankiisa ka dareen celiyay isticaamka erayga safiirka Somaliland iyo Somaliland oo sharco-darro ku tilmaamay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top