Connect with us

somalilandtoday.com

Dhakhtar Qirtay In Uu Qudha Ka Jaray Ooridiisii Oo Ka Codsatay Inuu Furo

focus

Dhakhtar Qirtay In Uu Qudha Ka Jaray Ooridiisii Oo Ka Codsatay Inuu Furo

(SLT-Canada)-Dhakhtar u dhashay Dalka Canada oo ku caan baxay inuu qudha ka jaray Ooridiisii isla markaana meydkeedii ku riday Shandad kuna tuuray Wabiga ayaa waxa uu qirtay inuu falkaasi isagu geystay.

Sida lagu baahiyey wakaalada Wararka ee Al-arabia oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay ayaa sheegaya in dhakhtarkani uu falkan geystay dhammaadkii sanadkii 2016kii, dhakhtarkan ayaa waxa magaciisa la yidhaa Mahamed Shaamji waana dhakhtar ku takhasusay qaliinka neerfaha waxa aanu ku nool yahay kana shaqayn jiray Magaalada Toronto ee dalkaasi Canada.

Dhakhtarkan ayaa waxay haatan da’diisu tahay 43 jir, ciidammada ayaa waxay gacanta ku dhigeen maalin kadib markii uu meydka ooridiisa wabiga ku tuuray, dhkahtarkan ayaa ugu dambayn qirtay inuu dilkaasi kula kacay Elana Frek oo ahayd xaaskiisii una dhashay saddex carruur ah kadib markii u qirtay dilkaasi ayaa waxay maxkamaddu amartay in xukunka iyo ciqaabta uu mutaysan doono ay dib ka soo saari doonto.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top