Connect with us

somalilandtoday.com

Ciidammada Kenya Oo Bilaabay Howlgal Lagu Soo Furanayo Dhakhaatiir Ajanabi Lala Soo Galay Gudaha Soomaaliya

focus

Ciidammada Kenya Oo Bilaabay Howlgal Lagu Soo Furanayo Dhakhaatiir Ajanabi Lala Soo Galay Gudaha Soomaaliya

(SLT-Muqdisho)-)-Ciidammada Kenya ayaa bilaabay howl-gal ballaadhan oo lagu baadigoobayo dhaqaatiir u dhalatay dalka Cubay, kuwaasoo laga soo afduubtay magaalada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari.

Sida wararku sheegayaan koox hubeysan oo looga shakisan yahay Al-Shabaab ayaa labadan dhakhtar soo afduubtay, waxaana lala soo aaday dhanka xuduuda Soomaaliya, halkaasoo la sheegay in markii hore ka soo tallaabeen kooxdii afduubka geysatay.

Boqolaal askari oo ka tirsan ciidanka sida gaarka u tababaran ee Kenya ayaa soo gaadhay xadka Kenya iyo Soomaaliya, waxaana ay baadigoobayaan labada dhakhtar Ajnabi ee la soo afduubtay.

Afhayeen u hadlay Booliska Kenya Charles Owino ayaa sheegay in dowladda Kenya ay qaadeyso howlgal lagaga hortagayo khatarta Al-Shabaab oo muddooyinkii u dambeeyay weeraro ka qaday Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Kooxda Hubeysan ee afduubka geystay ayaa dilay Askari Boolis ah oo ilaalinayay dhaqaatiirta u dhalatay dalka Cuba.

Bilo ka hor ayay aheyd markii haweeney Talyaani ah laga soo afduubtay gudaha Kenya, waxaa la sheegayaa in lala soo aaday gudaha Soomaaliya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top