Connect with us

somalilandtoday.com

Ciidammada Difaaca Suuriya Oo Burburiyey Gantaalo Ay Israa’iil Ku Soo Weerartay

focus

Ciidammada Difaaca Suuriya Oo Burburiyey Gantaalo Ay Israa’iil Ku Soo Weerartay

(SLT-Dimishiq)-Diyaaradaha Dagaalka Yuhuudda ayaa la sheegay inay Waaberigii saaka duqeeyeen Fadhiisin Millatari oo ku yaalla meel ku dhow Gobalka Xama ee dalka Suuriya.

Telefishinka Dowladda Suuriya waxa uu sheegay inay Ciidammada difaaca cirka qabteen, soona rideen qaar ka mid ah Gantaalladda ay Diyaaradaha Dagaalka Israa’iil soo tureen.

Ilo Millateri ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Suuriya ee SANA iyo Tv-ga Qaranka inay Diyaaradaha Yuhuudda beegsadeen mid ka mid ah Fadhiisimada Millatariga ku leeyihiin Degmadda Masyaf ee Gobalka Xama.

Duqeyntaasi oo la burburiyey ka hor intaysan gaadhin hadafkooda waxaa ku dhaawacantay 3 Dagaalyahan, sida ay sheegtay Wakaalladda Wararka Suuriya ee SANA.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top